Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Iibisay Gurigii Badhasaabka Gobalka Awdal

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa iibisay aqalkii badhasaabka gobalka Awdal. Sidaas waxa ku dhawaaqay xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay gobalka Awdal.

Xildhibaanka oo ka mid ah xildhibaanada KULMIYE, oo u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland aqalkaas iibisay, islamarkaana uu badhasaabka gobalku hadda degenyahay qol loogu tallo galay inuu noqdo qolka hurdada oo dhawr mitir ah. Xildhibaanku wuxuu sheegay inaanu marna shacabka soo doortay ugu baaqayn inay u codeeyaan xisbiga KULMIYE. “Waad arkaysaa habkii maamul, waad arkaysaa boobka xaaladaha wadanka ka socda oo aan cidna loo aabo yeelayn, waa wax damiirka bini-aadamku aad u diido, waxa igu kelifay anigoo xisbigii KULMIYE ah inaan ka hadlo, markaan gudaha iyo meel walba wax ka sheegay inaan si cad u soo bandhigo. Waxaan weli ka yaabanahay gurigii badhasaaka ee gobalka Awdal ee xafiiska u ahaa ayaa la iibiyay, badhasaabkii oo ku jira ayaa la iibiyay, wuuu ka baxay oo wuxuu fadhiistaa qol dhawr mitir ah oo meel ala meel la fadhiistaa aanay jirin. Guri yar oo Ingiriisku dhisay oo hurdada loogu tallo galay in la seexdo ayaa kursi cad la dhex dhigtay.” sidaas ayuu yidhi xildhibaanka oo wejigiisa laga dareemayo murugo.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Nasiib darada waxaad arkaysaa gurigii badhasaabka oo ah madaxweynihii gobalada uu metelayay meeshuu fadhiyay isagoo ku jira ayaa la iibiyay, markaasaa haddii meel loo dhisee uu fadhiisanayaa qol yar oo aan afar qof qaadayn. Argagax ayaad qaadaysaa halka uu dalku marayo tusaale ayaan u soo qaadanayaa guriga badhasaabka Awdal.”

Xildhibaanka oo la weydiiyay sababta uu uga qayb galay munaasibad xisbiga Waddani u sameeyay siyaasiyiin KULMIYE ahaa oo dhawaan ku soo biiray, maadaama oo uu isagu ka tirsanyahay KULMIYE, wuxuu yidhi “Waa xaflad xisbi qaran qabsaday, anigoo xildhibaan KULMIYE ah, kulmiyena ka soo baxay markastaba waxaan ahay xildhibaan kulmiye ah laakiin damiirkaygu ima siinayo inaan dadkayga ama aan idhaahdo maanta xisbigii oo aan arkayo xaaladiisu halkay marayso oo weliba waxa ugu daran ee xisbiga la hadhay waa xukuumadii oo ay garab joogaan kuwa dalkan halkan gaadhsiiyay ay hareero joogaan oo gobal walba u raacyaa, damiirkaygu ima siinayo inaan dadkaygii idhaahdo xisbigii kulmiye u codeeya marnaba, dabayshana waad arkaysaa halkay u socoto. Dadka reer Somaliland waa dad gob ah, waa dad eegaya xaaladda way arkayaan xaaladu siday u socoto laakiin inay qaylo kaga waxeeyaan waxay ka door bidayaan inay jidka arkaan. Xaaladda waad arkaysaa maalinba maalinta ka dambaysana midna kor u kacayo midna hoos u socdo.”