Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Ay Jabuuti Garab Taagan Yihiin.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaliland Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey safar ay isaga iyo xubno wasiirro ah ku jageen dalka Jabuutii, islamarkaana ay kulan la yeesheen madaxweynaha Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali shire ayaa sheegay in Jabuuti iyo Eritariya xurgufta ka dhexeysa ay taageeri doonaan wadanka Jabuuti oo ay la safan doonaan.

Wasirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in dalka la deriska ah Soomaaliland ee Jabuuti isku dhaqan iyo dad aynu nahay, isla markaana arrimo badan oo dhan walba inaga dhaxayso, waxaana sidoo kale uu sheegay wasiir Sacad in wixii dhibaato ku timada dalka Jabuuti iyo Soomaliland hiil iyo hooba ee ay awoodaan

la barbar taagno. “Jabuuti wa wadankeeni labaad waa wadan aad iyo aad isu dhownahay oo dad iyo dhaqan iyo duniyo inaga dhaxayso horena way u dhacday. markasta oo khatar ay ku timaado wadanka Jabuuti, waxaan diyaar u nahay wadanka Jabuuti in wixii hiil iyo hooba wixii awoodeena aynu isaga garab taagno.” ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Dhanka kale, mar su’aal la waydiiyey wasiirka oo ku saabsan wada hadaladii uu Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey ayuu sheegay in ay dhawaan dib u bilaabmi doonan wada hadalkii labadda dhinac ee sanadkii 2012 u bilaabmay.

Xubno wasiiro ah oo ka tirsan Soomaaliland ayaa toddobaadkii u dambeeyey u sugnaa wadanka Jabuuti, waxaanay kulan la yeesheen madaxweynaha Jabuuti.