Budhcad Gaadhi Qaali Ah Xadday Iyaga Oo Dameero Adeegsanaya.

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa fashiliyey qorshe koox budhcad ah ay ku xaddayeen baabuur nooca raaxada ah iyaga oo adeegsanayay dameero, kana gudbinayay wabiga Limpopo ee dalkaasi.

Gaadhigan oo laga soo xaday magaalada xeebta ku taala ee Durban ayaa waxaa la qorsheynayay in loo gudbiyo dhanka dalka Zimbabwe ee dariska la ah Koonfur Afrika, waxaana la sheegey in ay ka gudbinayeen wabi xuduuda ku yaala iyaga oo adeegsanayay dameero ah oo ay ku jiidayeen gaadhiga.

Sanadkii hore gaadhi kale ayaa sidan oo kale looga qabtay isla wabigan, waxayna u egtahay in kooxdani tahay koox abaabulan oo baabuurta ka dhacda Koonfur Afrika, kadibna u gudbisa wadamada dariska ah oo ay sahlan tahay in laga sii iibsado baabuurta lasoo xaday.

Afhayeen u hadlay booliiska dalkaasi oo lagu magacaabo Motlafela Mojapelo ayaa sheegey in gaadhiiga lasoo qabtay uu yahay nooca Mercedez Benz C220 oo ka mid ah baabuurta Adduunka ugu qaalisan.

Tuugada ayaa u baxsaday dhanka dalka Zimbabwe kadib markii baabuurka uu ka galay ciidda.

Ma cadda sababta tuugada ay kaxayn waayeen gaadhiga oo ay dameeraha u adeegsadeen, balse wariyaha BBC-da ee Johannesburg Pumza Fihlani ayaa sheegtey in malaha ay ugu wacantahay baabuurta qaaliga ah oo lagu rakibo aalad dayax-gacmeedka la shaqaysa oo haddii la xado lagu ogaan karo halka uu marayo, taasi oo kaliya shaqaynaysa marka uu baabuurta istaadhan yahay ama socdo.

Webiga Limpopo oo kala qeybiya labada dal ee Zimbabwe iyo Koonfur Afrika ayaa ah halka inta badan ay ka talaabaan dadka muhaajiriinta sharci darada ah, sidoo kalana laga gudbiyo badeecadaha koontarabaanka ah. Balse in baabuurta laga gudbiyo ayaa ah war la yaab leh oo soo kordhey sida wariyeyaasha sheegayaan.

 

Exit mobile version