Cali Khaliif Oo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Ku Eedeyey Inaanay Daacad Ka Ahayn Wada Hadalka Khaatumo.

:-Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ka soo jeeda Sool iyo Buuhoodle ku eedeeyey inay dhibaato u arkaan xalka dhibaatooyinka jira iyo in natiijo wax ku ool ah laga gaadho wadahadallada sannadkii hore u bilaabmay Khaatumo iyo Somaliland oo ay u arkaan inay meeshooda ku waayi karaan; sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan deegaanno aan Buuhoodle ka fogeyn dhawaanahan, ayaa War uu Warbaahinta deegaanka siiyey ku faahfaahiyey shalay waxyaabo ay hore u filayeen inuu gacanta ku hayo Madaxweynaha Somaliland siyaasad ahaan iyo maamul ahaanba inaanay hadda u muuqan kuwo uu maamulo, sida

uu hadalka u dhigay. Waxa uu Galaydh intaas ku daray in Ragga Wasiirrada iyo Baarlamaanka Somaliland ka tirsan ee gobollada Sool, Sanaag-Bari iyo Cayn (Buuhoodle) ka soo jeeda qaarkood aanay daacad ka ahayn in wadahadalladu guulaystaan, balse ay Riwaayadda socota dusha ka daawanayaan, hawsheeduna Jilayaasha u taallo.

Cali Khaliif Galaydh oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta Xukuumadda Somaliland ka tirsan ee ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn qaarkood way u furfuran yihiin wadahadallada, door fiicanna way ka qaateen, Qaarna waxaabay u arkaan in wadahadalladani Malaggooda yihiin oo haddii wadahadallada lagu guulaysto ay meesha ka bixi doonaan.”

“Waannu ku deddaalnay in aannu raadinno khaasatan kuwa Golaha Xukuumadda ku jira, laakiin waxaannu kala kulannay in aanay diyaar u ahayn, mushkiladaha hadda ka taagan Somaliland gudaheedana iyagaa sabab u ah.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh, oo intaas sii raaciyey inay fashilmeen wakhtiyo loo qabtay sii ambaqaadka wadahadalka iyo Shirar loo ballamay oo Khaatumo iyo Somaliland Ergooyinka Wadahadalka u qaabbilsan dhex-mari lahaa, kuwaas oo ka baaqday dhinaca Somaliland labadii jeer ee u dambeeyey oo kala ahaa mar loo cayimay 10-ka bishii Julay marna 25-kii isla Julay 2017-ka, balse marna aan lagu guulaysan in lagu qabto Shir Burco loogu ballansanaa, sababo diidmada siyaasiyiinta ee uu xusay la xidhiidha awgood.

Hoggamiye Galaydh oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay; “Wadahadallada qaarkoodna haddii sida la doonayo aan loogu hagar-bixin Ragga qaarkood baa ka masuul ah oo taa Annagu waxba kama odhan karno ama Qofku ha ka yimaaddo Sool, Sanaag iyo Cayn ama ha ka yimaaddo Boorame, Berbera ama Ceerigaabo, Annagu waxaannu moodaynay Masuuliyado Maamul oo Madaxweynaha hoos yimaadda iyo Siyaasadda uu gacanta ku hayo Maamulkaasi, dee nooma muuqato markaannu dhab ka hadalno oo waqtiyo ayaa nagaga lumay oo hakadyada ku yimi.”

“Hadda laftigeedda tartanka doorashooyinka ee Madaxweynennimada ee hadda socdaa sababay ku leeyihiin oo Ragga qaarkood baa leh Annagoo reer hebel ah ayaa intaas oo cod keenayna, waar cod ay keeni karaan iyo waxay hayaan toona ma jirto. Markaa, Annagu Riwaayadda waannu daawaynaynaa, balse Jilayaasha ayey u taallaa.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.