Daawo:– Hooyo Siweyn Uga Deyrisay Nolosha Caruurta Darbijiifta Ah Ee Caasimada Hargeysa .

Hargeisa(GNN):-Hooyo Hodan Cabdi Jaamac kana mida muwaadiniinta reer Somaliland ayaa siweyn uga deyrisay xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin caruurta darbijiifta ee caasimada Hargeysi.

Hooyadani waxaa ay sheegtay in caruurtani ay aad u dayacan yihiin oo duruufaha nolosha aadka u xanuunka badan ee ku gadaaman ay u dheer tahay dayacnaan dhanka xukuumada talada dalka heysa ah, gaar ahaan wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada.

Hooyo Hodan Cabdi Jaamac (Ciisay) iyada oo arrimahaasi si dareen taabashaleh uga hadlaysa waxaa ay tidhi “Caruurtan oo dariskayaga ah oo aanu mudo badan wasaaradaasi kala shaqeynaynay oo aan waxba loo qaban balan beenana loo sheego oo kolba wasiir loo dhiibo waraaqaha bilaashka ah ee la qoro balanqaadba la sameynayaaa, oo Huudheydh yar yar oo shan shan boqol oo shilinka Somaliland ah ayaa suuqa looga soo iibinayaa,iidaha oo kale sidaasa fursada looga ridaa waxbay ka duubeen oo Faceboog-yada iyo Internetyada ayay galiyeen maalinkii shalay ahaa, wax loo qabtaana ma jiro oo roobka ayaa ku dulqaada maalin walba oo digaaradaasi ayay jiifaan, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada gaar ahaan agaasimaha waaxdan qaabilsan oo Asma ah maamulka kale ee shaqaalaha ah oo dhammaantood halkan yimid oo horey kun jeer wax uga duubay oo aan dib ugu soo noqonin caruurta, midbaa jira leydh ku dhagey kii oo kaliya ayay qaadeen, intii kale waa ay wada xidhan yihiin oo jeelasha dalka ayay ka buuxaan, cidina waxba uma qabato cid u roonina ma jirto kuwan nala jooga iyo kuwa maqantoona, maamulkuna waa uu ka dhaga-adagey aduunkana wuu ugu qayliyay, wixii aduunkan loogu qayliyayna cid wax ugu qabataa ma jirto caruurtan wajigooda wax lagu soo qaatayna cid koob shaaha u shubtaa ma jirto,”

Halkan Ka Daawo