DaawoMurrashaxa Xisbiga KULMIYE oo Ka Digay in Mihnadaha Caafiimaadka iyo Waxbarashada Laga Dhigto Il-dhaqaaleed Lacag Kaliya Laga Dheefo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda ay bulshada u leeyihiin guud ahaan waxbarashada iyo gaar ahaan mihnadda caafimaadku, isla markaana ay xisbi ahaan ka go’an tahay inay muhiimad gaar ah siiyaan labadan arrimood oo horumarka bulshada muhiim u ah.
Murrashax Muuse Biixi oo maanta ka hadlay madal ay ku qalinjabiyeen arday mihnadda caafimaadka ka baratay mac-hadka MUSLIM COLLEGE, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ka go’antahay inay xil gaar ah iska saaraan caafimaadka iyo waxbarashada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annaga waxa nagu waajib ah in wax walba loo huro caafimaadka iyo waxbarashada, waayo waxbarashadu waa mustaqbalkii, caafimaadkuna waa dadkii oo jira.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka digay in mihnadda caafimaadka iyo weliba waxbarashada laga dhigo ganacsi lacag laga dheefo, maadaama ay labadan mawduuc bulshada muhiim u yihiin, “Waxa loo baahan yahay inaynu xoogga saarno tayeynta caafimaadka inta aynu imika hayno oo aanay caafimaadka iyo waxbarashadu inaga noqonin ganacsi, labadaas halbawle oo mustaqbalkii dalka ahna waxad mooddaa inuu ku batay ganacsigu iyo Iidhehdu,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Murrashax Muuse Biixi waxa uu hogo-tusaaleeyey burburka ku socda mihnadda caafimaadka iyo sida dad badani uga dhigteen Il ay dhaqaale ku helaan, isaga oo xusay in shakhsiyaad aan aqoon u lahayn mihnaddani ay meherado u furteen, waxana uu yidhi, “Haddaad dhegaysataan warbaahinta waxa la xayeysiiyaa 80%(Boqolkiiba siddeetan) waa Iidheh caafimaad, qaar baana odhanaya dhakhtarkaasi waxa uu kaa daaweynayaa wax Allah iyo waxa cudur ah oo dhan, xataa da’duu yareynayaa bay qaar yidhaahdaan, qaar aan iskuulba gelin oo weligood caafimaad arag oo aan waxba qori Karin, ayaa Dukaan furanaya oo odhanaya waanu kugu daweynaynaa.”
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay sidii bulshada looga qaban lahaa dadka aan aqoonta caafimaad lahayn ee haddana mihnaddani dhaqaalaha ugu jira, isaga oo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay in baadhitaan lagu sameeyo qof kasta oo mihnaddan ku xoogsanaya, “Xaq ma aha in qof aan aqoon gaar ah caafimaadka u lahayn ay dadku gacanta u galaan, waxana laga yaabaa nin baa imanaya shaabuug buuna kala daalayaa qofkii xanuunsanayey ama dab buu la dhacayaa, waana waxyaabaha aynu u baahanahay inaynu baayac-mushtaraynta ka saarno caafimaadka oo aynu hubino cidda caafimaadka gacanta ku haysa,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.