Daawo:-Nuxurka Kulan Uu Murashax Cirro La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo Is Casilaadiisii Ka Dib.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Madaxtooyada ku qaabiley Gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iga casilay xilkaasi.

Kulanka Madaxweynuhu markii uu soo dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxtooyada iyo Gudoomiye Cirro.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maanta soo booqday guddomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii mudada dheer uu u hayay qaranka ee ahaa guddomiye-nimadii golaha wakiilada, madaxwaynuhu waxa uu guddomiyaha uga mahad celiyay wakhtiga dheer ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu ku booriyay inuu qaranku halkaa kasii taabo galo, wuuna u duceeyay musharaxa iyo musharaxiinta kalaba wuxuuna ku booriyay in danta qaranka wax walba ay ka horaysiiyaan” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Dayr.

099A4154 099A4155

“Sidaa uu sheegay Afhayeenku maanta waxaan baneeyay jagadii guddomiye-nimo ee golaha wakiillada Somaliland iyadoo doorashadii inoo qabsoomayso 13/Novembar/2017, sidaa awgeed maadaama aan qaranka masuuliyad u hayay waxaan soo booqday madaxweynaha qaranka oo aan ku war gelinaayay in aan baneeyay hawshaas iyo dar-daaran wuxuuna sii farayaba waxaanu madaxwayanaha isla fahamnay in mudnaanta lasiiyo danta qaranka doorashooyinkuna wakhtigoodii inoogu qabsoomaan”ayuu yidhi Guddomiyihii hore ee golaha wakiillada Somaliland.