Dabley Hubaysan Oo Soo Weeraray Deegaan Gobolka Sool Ka Tirsan Oo Uu Yaalay Sanduuqa Kaadh Qaybintu Iyo Jabkii Ay Dableydu Kala Kulmeen Ciidamada Qaranka Somaliland

Dabley hubaysan oo wata gaadhi Tikniko ah ayaa habeen hore soo weerartay goob ku taala deegaan hoos yimaada degmada Xuddun ee gobolka Soo loo uu yaalay sanduuqa kaadh qaybinta codbixiyayaasha gobolka Sool.

Deegaankan oo lagu magacaabo Gorofle oo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa dableydan oo hubaysani waxay isku dayeen inay la baxaan sanduuqii kaadhadhku ku jireen oo yaalay guri ku yaala deegaanka,waxaana ay rasaas ay ku fureen ciidamadii Qaranka Somaliland ee goobtaasi ku sugnaa.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa difaac adag ka galay kooxda dableyda ah ee soo weerartay,waxaana rasaas la isku waydaarsaday halkaasi.Ciidamada Qaranka ayaa dableydan hubaysan waxay ka fadhiisiyeen gaadhigii Tiknikada ahaa ee ay wateen iyaga oo kala wareegay,sidoo kalene waxay dhaawaceen rag kamid ah dableydii soo weerartay.

Kooxdan abaabulan ayaa markiiba goobta ka cararay markii lagala wareegay gaadhigii ay watewen,waxaana ay Tuulada Gorofle ka afduubteen gaadhi NOHO ah oo ay ku qaateen dhaawacii ciidamadu gaadhsiiyeen.

Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku raad joogay dableydan soo  weerartay ayaa go’doomiyey dableydaasi,waxaana ay mar kale ka carareen oo ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen gaadhigii kale ee ay Tuulada ka afduubteen ee NOHO-da ahaa,iyaga oo ka baxsaday goobtaasi dableydu.

Kooxdan abaabulan ayaa waxa dabadaka riixaya maamulka Puntland oo iyagu dhawaan ku hanjabay inay carqaladaynayaan kaadh qaaybinta ka socota gobolada Sool iyo Sanaag,waxaana ciidamada Qaranka Somaliland ay galeen heegan culus.

Gabagabadiina kaadh qaybinta ayaa waxay si habsami leh uga socotaa gobolada Sool iyo Sanaag iyo deegaanada hoos yimaada,waxaana ay madaxa la gashay oo gunaanadka wajigii hore ee kaadh qaybinta codbixiyayaasha.

Exit mobile version