DEGDEG :Gudoomiyaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland Oo La Doortey,Tartan Adag iyo Tirada Xildhibaanada Codeeyey.

Codayn kadib ayaa waxa xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle u codeeyey 38 mudane oo xildhibaanada ah halka Baashe Maxamed Faaraxna ay u codeeyey 39 xildhibaan,waxaana sidaasi cod hal dheeri ah ku noqdayย  gudoomiyaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax,isaga ooย  hal cod lagaga guulaystay Cabdiraxmaan talyane.

Labadan murrashax ee u tartamayay jagada gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ayaa hadda si niyad sami ah iskugu hambalyeeyey,waxaana ay isku gacan qaadeen golaha dhaxdiisa.

Shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in 7 cisho kadib isna la dooran doono booskii uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Log11

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992