Fadhi Ay Saaka U Balansanaayeen Golaha Wakiilada Somaliland Oo Baaqday Iyo Sababta.

Walina waxaa taagan khilaafkii ka dhashay doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ay xildhibaanadu ukala qayb sameen laba garab oo garabna .

Hargaysa (GNN) Fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee saaka loogu balansanaa in lagu doorto gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada ayaa baaqday kadib markii kooramka lagu furo fadhiyada golaha wakiiladu uu buuxsami waayay.

Xildhibaanada saaka golaha ka soo xaadiray ayaa tiradoodu dhamayd todoba iyo labaatan (27) xildhibaan.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaana ku wargeliyay xildhibaanadii fadhiga saaka ka soo xaadiray in uu goluhu fasaxyahay ilaa maalinta Arbacada ee soo socota.

Maalintii shalay ahayd ayaa xoghayaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaq Siciid Ayaale ku wargeliyay xildhibaanada in bari la dooran doono gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiilada.

Walina waxaa taagan khilaafkii ka dhashay doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ay xildhibaanadu ukala qayb sameen laba garab oo garabna gudoomiye-nimo u aqoonsanyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) halka garabka kalana gudoomiye-nimo u aqoonsanyihiin Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax.