Gabadh reer Somaliland ah ayaa markii u horraysay ka qaybqaadanaysa bandhigga quruxda hablaha Miss Afrika ee dalka Britain oo la qabanayo sannadkan.
Bandhigan oo ah sannadkii 7-aad, waxaa uu ka qabsoomayaa hoolka Royal Regency Hall ee magaalada London 14-ka Bisha October ee sannadkan. Miss Ayaan oo haysata dhalashada Ingiriiska, kana soo jeeda Somaliland, ayaa ka mid ah 26 gabdhood oo iskugu soo hadhay tartankan oo lagu soo xushay quruxdooda iyo hal-abuurnimadoodaba.
Hablaha tartamaya, ayaa ka soo kala jeeda dalalka Ghana, Nigeria, Kenya, DR Congo, Somaliland, Cameroon, Eritrea, Somalia, Togo, Guinea, Senegal, iyo Lesotho, siday faafisay Somalilandsun.
Bandhiga tartan Miss Afrika GB oo la aasaasay sannadkii 2011-kii, waxaa loo qabtaa hablaha Afrikaanka ah ee ku dhaqan Ingiriiska (Black Africa UK pageant), waxaana loogu talogalay in lagu dhiirrigeliyo hablaha Afrikaanka ah ee ku nool Ingiriiska, ahmiyadda laga leeyahayna ma aha qurxudooda oo kaliya, waxase xoogga la saaraa soo bandhigista tarbiyadooda, hal-abuurnimadooda iyo dhaqanka dalalka ay ka soo jeedaan, si loo soo saaro haween hoggaaminta ku wanaagsan.
Inkasoo Somaliland ay tahay markii u horraysay ee ay tartankan ka qaybgasho, waxa kaloo ka qaybgalaysa gabadh la yidhaahdo Miss Naimo oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya.
Waxa Qoray Cumar M. Faarax