Hanbalyo Ku Socota Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Loo Doortay Golaha Wakiilada Somaliland.

Anigoo Ah Xildhibaan Iid Xassan Cabdi Kana Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Waxaan Halkan Dhanbaal Hanbalyo Ah uga Dirayaa Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Loo Doortay Golaha Wakiilada Somaliland

Gudoomiye Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Oo Kamid Ahaa Xildhibaanada Qunyar Socodka Ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Waa Shaqsi Runtii Aqoon Ahaan Masuuliyad Ahaan iyo Waayo Aragnimo Ahaanba La odhan Karo Waa Qofkii ugu haboonaa ee Lagaga Gam’i karo Hawsha islamarkaana uu si Habsami Ah Ula daadahayn Doono Shirgudoonka Golaha Sinaan iyo Cadaalad.

Waa Guul Somaliland Usoo Hoyatay Oo Lagu Qanci Karo Marka Laga Hadlayo isku Dheelitirka Doorka Gobolka Dalka iyo Sida Ay Uga Wada Qayb-qaadanayaan Dhismahan Qarankan Somaliland ee Taabo galay Taas oo dhabar jab iyo naxdin ku ah shaqsi kasta iyo cadow kasta oo qaranka Somaliland kasoo horjeeda geedisocodkiisa nabada iyo horumarka dimuquraadiga ah.

Waxaan Marlabaad iyo mar saddexaadba Halkan Hanbalyo Kal Iyo Laaba Uga Dirayaa Gudoomiye Ku Xigeenka Oo Aan Leeyahay Alle Hakugu Asturo Hawsha Qaranka Ee Laguu Xilsaaray.

Xildhibaan Iid Xassan Cabdi.