Hargeysa:– Xaafad Aan La Badbaadin Karin Haddii Dab Qabsado.

 Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa  walaac xoogan ka muujiyey in aan la badbaadin Karin haddii  dab qabsado Xaafadda isku raranta ah ee State House-ka ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha ayaa caddeeyey in aanney jirin waddo fiican oo gaadiidka u saamixi karta in ay si degdega u badbaadiyaan guryaha isku raranta ah  ee state  House-ka, isaga oo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi.  “Haddii aanu is nidhaaho u gurmada , waddo aanu marno heliba mayno,  hal, hal wado ayaa jirta waxaanay cidhiidhi ku yihiin baabuurta dab-demiska , Marka aanu duulimaad tegayno baabuurta waxa ay leeyihiin jihooyin ay kala istaagan oo shaqooyin gaar ah ay kala qabtaan sida badhi taarka, nabadgelyadda iyo gudashada hawsha ee wejiga kowaad,  waxaas oo dhan waa la waayayaa wado xumi iyo xadayn la’aan guryaha ah oo jirta awadeed ”

Axmed Sawaaxili  ayaa sheegay in qaab-dhismeedka guryaha ku yaala xaafadda isku raranka ah ay u badan yihiin cooshada u nugul dabka waxaana uu yidhi “ guryaha ka dhisan oo dhammi waa wada buul, Aqal Soomaaliguna  waxa uu u  nugulyahay inuu dab qabsado, dhibaatada ugu weyn waxa weeye iyaga oo ah buulal aan lahayn  xadayn, waxaanay isu jiraan talaabo talaabo, qaar way isku dhegsan yihiin.”

“Xilligan dabayl xagaaga ah,  hadduu hal guri gubto, wixii u dhow oo dhammi way is racayaan, halistuna waxaa weeyey sida loo deggay oo aad u khaldan,”  ayuu yidhi  Ganshaale Axmed Sawaaxili oo u Waramay  Barkhad Maxamed Kaariye .oo ka tirsan idaacada VOA-da dhowaan.

Xaafaddani waxa ay la wadaagtaa halista dabka suuqyada ganacsiga ee Waeheen iyo Gobannimo oo aan lahayn wadooyin ay gadiidka gurmadku ka geli karaan si ay u sameeya samata bixin Bina-adanimo  iyo

Exit mobile version