M.Xaashi Dhamac Gaariye”Shalay Daalinkaan Riday Dalbaabu Xukumayee,Qaar Daaqii Xoolaha, Deked Iyo Madaarkii Sariftaa Ka Daba Yimid”.

Tixdan oo magaceedu yahaay “Daba-taxan” waxa halabuuray Macallinkii iyo Maansayahankii Soomaaliyeed ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, Allaah naxariistii janno ha ugu deeqo e. “Daba-taxan” waxay ka mid tahay maansooyinka ugu caansan ee badweyntii maanseed ee halabuur Maxamed Xaashi Dhamac. Waxay soo baxday 5/1/1997.