Maxkamad Go’aan Ka Gaadhaysa Dad Hilib Dad Kale Cunay Iyo Halka Ay Ku Taalo Maxkamaddu.

Hargeisa(GNN):-Wararka ka imaanaya Koofur Afrika ayaa sheegaya in 5 nin la hor keenay maxkamad, ayada oo lagu eedeynayo dil iyo inay maleegeen dil, arrin la xiriirta dad cunnimo waddankaas aad looga hadal hayo.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay dibadda maxkamaddii dacwadda ay ka socotay ee gobolka bartamaha ee Kwa-Zulu Natal.

Shanta nin ee maxkamadda la hor keenay waxaa la rumaysan yahay in midkood uu yahay dhakhtar dawo dhaqameedka yaqaanna oo iskiis booliska isugu soo dhiibay, isagoo u sheegay inuu khatiyaan ka istaagay cunista hilib bani’aadam.

Kiiskooda ayaa dib loo dhigay ka dib markii dacwad oogaha gobolka uu sheegay in boolisku ay weli baaritaan wadaan, lagana yaabo in dad kale oo laga shakisan yahay la xiro.

Boolisku waxay rumaysan yihiin in koox isku xiran oo ka shaqaysata xubnaha jirka bani’aadanka ay gobolka joogaan.

Dhanka kale, inta badan dadka isugu soo baxay maxkamadda banaankeeda ayaa farxad la dabaal degay markii ay maqleen in tuhmaneyaasha laga diiday in damaanad lagu sii daayo. Waxaa maxkamadda mar kale la hor geyn doonaa bisha soo socota.

Source Bbc Somali.