Mujaahid Cali Guray Oo Lafa Gur Ku Sameeyey Sababta Axmed Jaambiir Suldaan Ugu Biiray Xisbiga Kulmiye –

Hargeisa(GNN):-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin iyo duruufo uu goob joog u ahaa oo soo kala dhex maray guddoomiyaha ahna Murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasiga Axmed Jaambiir Suldaan oo mar ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha xukuumaddii Madaxweyne cigaal, kaasi oo isaga iyo xubno kale ay shalay ku biireen xisbiga WADDANI.

Cali Gurey oo qormo kooban balse dulucdeedu ballaadhan tahay oo uu ku baahiyey  barta uu ku leeyahay degelka Facebooka kaga sheekeeyey kala duwanaanshaha shakhsiyeed iyo siyaasadeed ee guddoomiye Muuse Biixi iyo Siyaasi Axmed Jaambiir oo dabcan dhalasho ahaan isku deegaan kasoo

jeeda ayaa sharraxay sababta bud dhiga u ah in mar kale uu Mr. Jaambiir dib ugu soo laabta saaxadda, taasi oo macnaheeda uu ku tilmaamay in ay ugu muhiim san tahay xoojinta dagaal ka dhan ah carqaladaynta ololaha madaxweyne nimo ee Musue Biixi. Qormada Uu Cali Gurey qoray oo uu hal ku dheg uga dhigay [MUUSE IYO AXMED HADMAY IS AHAAYEEN?] w waxaa ay u dhignayd sidan: “Muuse Biixi iyo Axmed Jaambiir weligoodba ismay ahayn. Muuse kuwa uu marka hore isagu soo qaado ee isagu wax ka dhigo ayuun baa marka dambe halaqyo iyo dibqaloocyo ku noqon jiray oo isaga loo adeegsan jiray. Shirkii Baligubadle kursigii Golaha Dhexe ee Xuseen Abokor [jufo kamid ah beesha Sacad Muuse] Muuse Biixi ayaa Axmed Jaambiir ku fadhiisiyay waana halkii uu sallaanka siyaasadda ka soo fuullay 1990kii. Laga soo bilaabo maalintaa wuxuu Axmed Jaambiir  wax ku noqon jiray dagaalka siyaasadda oo loo adeegsan jiray Muuse Biixi.

AHN eh Cabdiraxmaan Tuur iyo Cigaal oo labadaba uu ka hor yimi Muuse Biixi budadkii ay la dhici jireen ayuun buu Axmed Jaambiir ka mid ahaa. Wakhtigaa iyo ka horba aniga laftaydu Muuse waan diidanaa oo waan ka soo horjeeday laakiin aniga iyo Axmed waxanu ku kala duwanayn,  aniga ayaa Muuse haystay oo talada ayaanu isku haynay laakiin in badan ayaa la isku deyay in la ii adeegsado oo  waan diiday,  weligayna Muuse qof kale oo isaga ay is hayeen umaan soo raacin. Tusaale waxa ah markii la xidhay waxan ahaa ninkii koowaad ee la doonay in lagu bedelo laakiin waxan ahaa ninkii shiriyay saraakiisha qaybta galbeed gaar ahaan kuwa HA [Habar Awal] ee ku qanciyay in aanu midkaayona aqbalin inuu qabto xilkii Muuse Biixi laga xidhay. Waxan ahaa ninkii u sheegay Guddoomiyaha SNM go’aanka saraakiisha qaybta galbeed ee qaadacaadda xilkii Muuse laga xidhay aniga oo weliba ka mid ahaa shakhsiyaadkii ka soo jeeday dhinaca Gudoomiyaha Axmed Siilaanyo wakhtigaasi ee weliba ugu dhawaa. Sababta aan u sheegay Gudoomiyuhu waxay ahayd “Gudoomiye aniga oo arrintii dhacday ka xun kana soo horjeeday hadana waxan u arkaa in xadhiga saraakiisha Qaybta Galbeed uu siyaasadaysan yahay sababahaa iyo dhacdooyinkaa kale ee la xidhiidha marka aan eegay sidaa daraadeed waxanu ku heshiinay markii ugu horeysay in   aan aniga iyo sarkaal kale oo qaybtayda ahi tooni   aqbalin inuu qabto xilkaasi. Laakiin saraakiishii aanu go’aanka wada qaadanay oo isu dhan iyo xoghayahaga Ciidanka Xoraynta (Cabdisamad Xaaji Gamgam) ayaa go’aan ku soo gaadhay in aanay ka maarmi karin qaybtu taliye xidhiidhiya Taliska Guud iyo hogaanka xisbiga ka keliya ee xaaladan adag aan looga maarmi karinina uu yahay Cali-gurey oo Axmed Mire iyo Xasan Yoonisna xidhiidh fiican la leh Gudoomiyahana ka ag dhaw isla markaana aan aqbali doonin wax dhibaatayn kara Qaybta, sidaa ayay iigu yimaadeen iyagoo is wata aakhirkiina waan aqbalay waxanan ku aqbalay talo loo dhamaa muxaafid iyo mucaarid Qaybta Galbeed iyo gaar ahaan kalsoonida ay igu qabeen dhamaan Mujaahidiinta Qaybta Galbeed iyo kuwa qaybaha kale ee Ciidanka Xorayntu”. Markii laga soo dareeray shirkii Baligubadle ee Muuse dhinaca mucaaridka la saftay markiiba waxa loo yeedhay Axmed Jambiir oo Xoghayaha Maaliyadda laga dhigay si uu Muuse sutida ugu qabto waanu aqbalay. Cigaal AHN markii Muuse iyo colkiisii la isku dhacay isaga ayaa hadana loo yeedhay oo Wasiirka Arimaha Gudaha laga dhigay si uu Muuse sutida ugu qabto waanu aqbalay. Waxan markhaati ka ahay inta aan ogahay ee Ilaahay igaga sareeyo in Axmed Jaambiir xil aanu Muuse daraadii ku helin aanu qabanin intii aan goobjooga u ahaa tan iyo 1990kii. Isaga iyo ragga gidaarada laga soo jafay kamay dhex muuqanin siyaasadda xisbiyada siyaasadda Parking-ka ayay yaaleen hadana sabab kale looma soo kicinin oo aan ahayn ololaha ka dhanka Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waana caadadii isaga iyo kuwo kaleba.”.ayuu qoraalkiisa kusoo gunaanday Cali Maxamed Yuusuf.