Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyey Madax-dhaqameedka iyo Qoor-weynta Beelaha Ayuub.

Hargeisa(GNN):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan ballaadhan oo hadhimo sharafeed ah u sameeyey Salaadiinta, Ugaasyada, Madax-dhaqameedka, Cuqaasha, Odeyada, Wax-garadka iyo badi ba haldoorka beesha Ayuub Sheekh Isxaaq.

Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo ay Cirro ku wehelinaayeen Madax-dhaqameed tira badan, siyaasiyiin, wax-garad iyo haldoor kale oo ka dhacay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa ujeedkiisu ahaa cudud taageero oo ay guud ahaan ba qoor-weynta beelaha Ayuub ku muujinaayeen taageeraddooda Xisbiga WADDANI sida oo kale na laga ga wada-hadlaayey arrimo khuseeya xaaladda dalka iyo sida loo badbaadin karo.

Suldaanka guud, Ugaaska iyo dhammaan ba qoor-weynta iyo wax-garadka beelaha Ayuub oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan

yihiin in ay maanta si buuxda ay u taageerayaan Xisbiga WADDANI, waxaana ay cod dheer ku sheegeen cod iyo taageero ba ay la garab taagan yihiin Xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen in uu yahay xisbi ay ka beel ahaan u arkeen in uu yahay xisbigii badbaadin lahaa qaranka Somaliland isla mar ahaantaana u horseedi lahaa cadaalad, sinnaan iyo horumar.

Madax-dhaqameedka iyo Qoor-weynta beelaha Ayuub ee halkaas ka hadlay, waxa ay dhammaantood ba ay halkaas uga duceeyeen Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo ay sheegeen in ay ugu duceynayaan in uu noqdo kii Alle midigta u geliyo talada Somaliland oo dalka ka noqda Madaxweynaha soo socda, iyaga oo sida oo kale na xusay in ay hore ugu duceeyeen wakhtigii uu dhisaayey urur siyaasaddeedka WADDANI isla mar ahaantaana uu Alle ku guuleeyey ducadii waagaasi oo ahayd in uu Xisbi isu bedalo urur siyaasaddeedkii WADDANI.

Murashax Cirro oo ugu dambeyntii halkaas kala hadlay Qoor-weynta beelaha Ayuub, ayaa uga mahad-celiyey taageeraddooda ay u muujiyeen Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in beeshii ugu horreysay ee loo bandhigo Xisbiga WADDANI waagii uu urur siyaasaddeedka ahaa ay ahayd beesha Ayuub sidaas awgeed na uu maanta ku faraxsan yahay in mar kale ay u guntayaan ducadii guusha ee lagu gaadhayey Madaxtooyada Somaliland isaga oo cod dheer ku sheegay in uu wax badana ka qaban doono baahiyaha iyo tabashooyinka kala duwan ee ka jira guud ahaan deegaanada miyi iyo magaalo ba leh ee Ayuub.

Image may contain: 6 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, beardImage may contain: 1 person, smiling, beardImage may contain: 1 person, sitting, beard and eyeglassesImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, eyeglasses, hat and closeupImage may contain: 2 people, people sitting and beardImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 1 person, indoorImage may contain: 1 person, standing, beard and indoorImage may contain: 1 person, beard, phone and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, beard and indoor

Image may contain: 1 person, indoorImage may contain: 1 person, indoorImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 1 person, indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, standing, beard and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sittingImage may contain: 1 person, eyeglasses, beard and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, indoor