Hargeisa(GNN):-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii Daahir Rayaale Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tirsanyahay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Md. Cabdillaahi-Cirro oo xalay uu wargeyska Geeska Afrika weydiiyay jiritaanka warar sheegaya inuu qaatay siyaasad ah inuu xisbiga Waddani ee mucaaradka ah ka mid noqdo, ayaa xaqiijiyay inuu ka tirsanyahay Waddani. “Waxaan xaqiijinayaa inaan ka tirsanahay xisbiga Waddani. Anigoo ah nin waayo arag ah oo wax badan u soo joogay markaan wax badan eegay ee aan dhinacyo badan ka eegay waxaan arkay in danta qaranku ku jirto xisbiga Waddani. Sidaas daraadeed anoo su’aashaada ka jawaabaya ‘Haa’ oo waxaan ka tirsanahay xisbiga Waddani.” ayuu yidhi Cabdillaahi-cirro oo u waramay Geeska Afrika, isagoo jooga magaalada Hargeysa.
Cabdillaahi-Cirro oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee u dambeeyay ee Madaxweyne Rayaale ayaa ah siyaasi iyo khabiir amni oo aan looga baran inuu ka dhex muuqdo siyaasadaha maxaliga ah ee xisbiyada dalka ka jira, waana markii u horaysay ee tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii 2010 lagu dhex arko isagoo xisbi ka tirsan.