Wadahadal La Xidhiidha Maamulka Hawadda Oo Somaliland Iyo Soomaaliya U Bilaabmaya.

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in bisha September ee soo socota ay dib u bilaabmayaan wadahadalkii dhinaca hawadda ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka wasaaradda Duulista Ismaaciil Cali Axmed, waxaannu u qornaa sidan:-“Sida aynu la wada soconay waxa jiray wada hadallo u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa heshiis laga gaadho wixii la isku odhan jiray Hawadda Soomaaliya oo maanta ay wada leeyihiin labadan dal ee kala go’ay ee Soomaaliland iyo Soomaaliya, heshiiskaas oo hore la isugu afgartay in la dhiso guddi madax bannaan oo ka kala socota labada wadan oo wada maamula Hawadda xafiiska laga maamulayaana ahaado caasimada Somaliland ee Hargaysa, arrintaas dhinaca dawladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya ayey ka fuli waayeen, sidaas ayuuna wadahadalkaasi ku hakaday.Imika waxaa la filayaa in uu dib u bilaabmo bisha 9 ee fooda innagu soo haysa wadahadalka hawada, go’aamadii hore loogu heshiiyey in Soomaaliya fuliso ayey wali Somaliland sugaysaa ee beesha caalamka iyo hay’ada Qarammada Midoobay u qaabilsan Duulimaadka Hawadda ee ICAO goob jooga ka ahaayeen. Hawada Somaliland iyo Soomaaliya sida uu horeba u sheegay Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe waxa xukunta ICAO Muqdisho iyo Hargaysa toona lagama xukumo hayadaa ICAO ee qarammada midoobay ayaa maamusha nidaam bay leedahay Wasaarada Duulista ee Soomalilaan aanu ku kormeerno, wakhtigii Soomaali loo qabtay in ay Hawada ku heshiiyaana waa gabagabo oo hadii lagu heshiin waayo waxaa siimaamuli doonta Hay’ada ICAO.”