War Deg Deg Ah:-Gudoomiye Cirro Oo Hadda Iska Casilay Xilkii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee Mudada Dheer Hayay

Fadhigan saaka oo xasaasi ah isla markaana ay kasoo xaadireen badiba xildhibaanada wakiiladu ayaa waxa loo qaybiyay xildhibaanada ka hor intaan Cirro is casilin buugaag ka hadlaya waxqabadkii golaha wakiilada Somaliland intii uu gudoomiye Cirro xilka hayay.Waxaana intaasi kadib uu iminka si rasmi ah gudoomiye Cirro ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi isla markaana uu u madax banana yahay hawlihiisa gaarka ah,sidoo kalena waxa uu shaaca ka qaaday in uu u tartamayo jagada ugu saraysa dalka ee ah madaxwaynaha Somaliland sidaas darteedna uu iskaga casilay xilkii qaranka uu u hayay.

Gudoomiye Cirro ayaa mudanayaasha hortaada waxa uu ka akhriyey taariikhdii kala gadisanaa ee goluhu soo maray mudadii 12-ka sanadood ah,carqaladihii lasoo  gudboonaaday golaha ee ay xaliyeen,waxqabadkii uu qabtay goluhu intii uu xilka hayay,xeerarkii uu goluhu ansixiyey iyo qodobo kala duwan oo xasaasi ah.

Sidoo kalena gudoomiye Cirro waxa uu xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland u jeediyey dardaaran dhinacyo badan taabanaya,isaga oo ku adkeeyey in xildhibaanadu ay ilaaliyaan xasaanadda ay leeyihiin isla markaana iska cafiyaan wax kaste oo soo kala dhex galay,isaga oo sidoo kalena ku adkeeyey in ay meel adag ka taagnaadaan xilka ay Qaranka u hayaan mudanayaashu.

Waxaana xildhibaanada soo xaadiray ay tiradoodu dhamayd 71 xildhibaan,waxaana cod gacan taaga ku ansixiyey in ay ku raacsan yihiin iscasilaada Cirro 70 mudane,gudoomiyuhuna muu codayn,waxaana sidaasi uu gudoomiye Cirro kaga dagay xilka gudoomiyihii wakiilada Somaliland.

Kalfadhiigi xasaasiga ahaa ee xildhibaanadu saaka iskugu yimaadeen ayaa hadda kasoo dhamaatay xarunta Baarlamaanka Somaliland,waxaana la filayaa in maalinka Axadda ay xildhibaanada golaha wakiiladu doortaan mudanihii buuxin lahaa booska gudoomiye Cirro baneeyey.sidoo kalena waxa isna xilka uu hayo iska casilaya ku xigeenka kowaad ee gudoomiyaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.