War Deg-Deg-Uhuru Kenyatta oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Kenya.

Hargeisa(GNN):-Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa ku dhowaaqay in doorashada dalka Kenya uu si rasmi ah ugu guuleystey Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.
Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.
Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay in aysan maxkamad aadi doonin.
Doorashada Kenya : Maxaa keeney in “ninkii cambuulada” uu qabsado baraha bulshada?
Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdabamarin jirto. Laakiin maysan sheegin waxa ay sameyn doonaan.
Mucaaradka ayaa horey u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada.

Waa Kuma Uhuru Kenyatta.

Capture

Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto.

Mr Kenyatta, oo ka soo jeeda qowmiyadda Kikuyu, iyo mucaaradkisii hore William Ruto oo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjin ayaa lagu eedeeyay inay huriyeen rabshado u dhexeeyay labada qowmiyadood.Dacwadahan waxay la xiriiraan rabshadihii dhacay doorashada kadib 2007-dii kuwaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, boqolaal kun oo qofna ay guryahooda ka carareen. Waxaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.

Kiiska maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ayaa la baabi’yay kadib markii loo waayay cadaymo iyo markii ay dhinteen goobjoogayaashii muhimka ahaa ama la waayay. Laakiin dhaawacyadii qowmiyadeed ee hore ee dib loo furay wali si dhamaystiran looma tiiraanyo bixin.