Wasiir Cali Mareexaan Masuul Dhacdo Uu ka Damqaday ku Kasbaday Quluubka Shacabka Reer Somaliland!!

Maalinkii Jimcihii Ee todobaadkii hore waxaa madaarka Diyaaraduhu ka haadaan ee caasimada Hargaysa ka dhacday dhacdo taariikhi ah oo aanay abid ka dhicin Somaliland ka dib markii shirkada diyaaradaha ee FLY DUBAI oo laga leeyahay dalka isku taga imaaraatka carabtu si akhmaqnimo ah oo bani,aadanimada ka baxsan looga soo dajiyay diyaarada hooyo muwaadinad ah oo sidatay ilmo yar iyada oo kabtanka diyaaradu ku khasbay in ay ka dagto diyaarada isaga oo shuruud ka dhigay in diyaaradu madhnaan ku noqon doonto hadii aanay ayidin amarkiisa.

DHACDO CUSUB

Nasiib wanaag waxa rakaabkan diyaarada ka mid ahaa Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan oo ka damqaday sida loola dhaqmay hooyadan muwaadinada ah isaga oo dood ka bacdi go,aansaday in aanu raacayn diyaarada hadii laga reebo hooyadan sidaasna waxaa diyaaradii kaga hadhay wasiir Cali Mareexaan iyo  hooyadii ilmaha sidatay.

Halka wasiirka duulista iyo hawada Farxaan Aadan Haybe  oo wax laga waydiiyay arinatani uu si ula kaca dhinaca u saaray shirkadii dhacdadan foosha xun kula kacday hooyada kaasi oo hadaladiisii ay bulshada reer Somaliland u fasireen in uu yahay masuul shaqadii uu qaranka u hayay ka doorbiday Afhayeenka shirkadan Ajaanibka ah Ee FLY DUBAI si cadaan ahna dhinaca usaaray shirkada ku kacday  falkan,

duulista iyo hawlaha guud

Dhanka kale  bulshada reer Somaliland ee  ku kala dhaqan daafaha Dunida  iyo gudaha dalka ayaa si wadaniyadi ku dheehan tahay u barbar istaagay wasiirka hawlaha guud cali xasan (cali mareexaan) iyaga ku sifeeyay in uu yahay masuul kuujiyay talaabo wadaniyadeed una hiiliyay hooyadan

Waxay dhacdadani hadalhayteedu saamay ku yeelatay baraha ay bulshadu ku kulanto ,goomaha layskugu yimaado iyo guud ahaan gayiga ay somalidu ku nooshahay.

Marka aad furto barta aad ku leedahay xidhiidhka dadwaynaya waxaad markaa indhaagu qabanayaan sawirka wasiir cali mareexaan iyo hooyadan ilmaha yar sidatay, dhamaana dadka ku kulma goobaha kala duwan ee bulshadu ku xidhiidho waxay si wadaniyad u barbar isgaateen ficilka uu muujiyay wasiir cali mareexaan. Halka taa badalkeedna ay eedo culus ku ganayaan wasiirka duulista iyo shirkada Fly dubai,

Si kastaba ha ahaatee wasiirka waaasarada hawlaha guud Cali Mareexaan ayaa noqonaya wasiirkii u horeeyay ee safarkiisa uga tanaasula dhacdo uu ka damqaday iyo hooyo muwaadinad ah oo fal foolxun lagula kacayo iyadoo bulshadu  maalmahan u danbeeyayba si wayn looga faaloonayay dhacdadan halka badi bulshadu u hambayaynasay wasiir Cali Mareexaan go,aanka geesinimada ah ee uu qaatay. wasiir cali ayaa hore usoo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka somaliland lagana soo doortay gobolka togdheer kaasi oo xiligii uu mudanaha ahaa  waxqabad muuqda ka gaystay deegaanadii laga soo doortay,

GABILEY LOGO OK