Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo, Nabad Galyada Gobolada Bari Iyo Qodobo Kale.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu ku taliyey inay Doorashadu ku dhacdo si nabadgalyo ah oo cadaalada waafaqsan.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada caafimaad ee Madaxweynaha, qiimaha ay nabadgalyadu leedahay iyo dagaal beeleedada ka dhacay deegaano ka mid ah Gobolada Barri, waxaanu ugu horeyn uu yidhi,  “Haddii la rabo in horumar la sameeyo, haddii la rabo nolol, haddii la rabo inuu dalku Dimuqraadiyadiisii horumarto, waa in xasiloonida iyo nabadgalyada la ilaaliyaa, haddii

aynaan ilaashana, wax inoo shaqaynayaa ma jiraan, wax walbana wey inaga fadhiisanayaan, oo wax inoo hagaagayaa ma jiraan, gaar ahaan Gobollada Bari waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada adkeeyaan, oo ay bartaan wada noolasha”

Wasiirka Arrimaha Guduhu mar uu ka hadlaayey Dagaalada dhexmaray Beelaha qaar ayaa yidhi,  “Imika Ceel Afweyn wax dhib ah oo ka jirtaa ma jirto, waan-waantii ayaa la wadaa, insha allaahna xalka ugu wanaagsan baa la isla qaadan doonaa, balse meel ka shisheeysa oo la yidhaahdo Dhoobo-guduud, ayey dhibaato ka taagan tahay, oo laba reer ayaa isku laayey, oo ilaa saddex qof baa ku dhintay, xaalada Buuhoodle-na imika wey degan tahay, Odayaal meelo kala durugsan ka soo gurmaday ayaa kala dhex galay, oo labadii reer iskugu yeedhay, markaas Dawlad ahaana cidna ka yeeli mayno inay nabadgalyada khal-khal galiso, cid walba oo nabada wax yeelaysana gacan bir ah ayaanu ku qabanaynaa, ee colaaddu  wax faa’iido oo ay leedahay ma jirtee, ee nabada qof walba halkiisa ha ka ilaaliyo”

Wasiirka Arrimaha Guduhu mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi,  “Doorashada soo socota waa inay inoogu dhacdaa  si nabad iyo cadaalad ah, waxayna Doorashadu inoogu dhici kartaa iyadoo nabadi jirtee aynu ilaashano nabadeena, insha allaahna Doorashadu wey inoo dhici doontaa, si fiicana wey inoogu dhici doontaa”

Wasiirka Arrimaha Guduhu mar uu ka hadlaayey xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha ayaa yidhi,  “Madaxweynaha caafimaadkiisu wuu wanaagsan yahay, qalliin yar oo aad u fudud buu galay, aad iyo aadna wuu u wanaagsan yahay, insha allaahna dib ayuu inoogu soo laaban doonaa”

Source Geeska.

GABILEY LOGO OK