Wasiiro Xukuumada Dhexe Ee Somaliland ah Oo Berbera U Jooga Furdaaminta Shaqo Xumo ka Taagan Dekada Berbera

Adeegii Dekadu U Haysay Macamiisheeda Oo Hoos U Dhacaay iyo Qalabki Hawsha Dekada Qaban Jiray Ee Wax Rogi Jiray waxna Dejin Jiray Oo Badiba Fadhiistay dayactir La,aan

Mudo Sideed Bilooda Ayaa Shirkada Dp Wolrd Aay Mamulaysay Dekada Berbera , waxaa Si wanaagsan Debada Ugusoo Baxday Karto Darida Shirkada Dp World Ee La Wareegtay Dekada Berbera,

Wafti Wasiiro Ah OO Aay Horkacayaan Wasiirada Dibada iyo Maaliyada iyo Ganacsiga Ee Somaliland Ayaa Malintii Labaad Booqasho Ku Jooga Magaaalada Berbera , 48 iyo Afartankii Saacadood Ee U Danbeeyay Waxaay Kulamo iyo Shirar Kula Jireen Dhamaan Cidkast Oo ka Cabanaysa Adeega Aay Bixiso Shirkada Dp World Ee Dekada Berbera,

Mushkiladaha Ugu Darani Waa Maraakiibta Ganacsiga Ah Ee Ganacsaytada U Rararn Oo Aan Sidii Loo Bartay Loosoo Xidhin, Inta Badan Maraakiiibta Koonteenarada Sida iyo Kuwa u Raran Dawlada Etiopia Deg Deg Ayaa Loosoo Xidhi Jiray oo 24 Saacadood

Gudahood Ayaa Shaqadooda La Bilaabi Jiray Xiligiii Dawladu Maamulaysay Dekada Berbera , Maantana Shirkada Dp World Maraakiintaasi 20 Casho Ka Badan Ayaay bada Taagnaadaan,

Shaqo Xumidan Ayaana Sababi Karta In Dakhligii Xukuumada Kasoo Gali Jiray Dekada Berbera Ee Cashuurta Laga Qaado Ganacsatada In Aay Si wayn Hoos Ugu Dhacdo

Xiligan Waxaa Bada Taagan Illaa 7 Markab oo Kamid Yahay Mid U Raran hay,ada WFP oo Sida Rashin u Socda dalka Ethiopia, Waxaana Xerada Taardheer Ku Jira Ku Dhawaad Labo Boqol Oo Babuur Oo Laga Leeyahay Dalka Etiopia , Waxaanay Joogaan 11 Maalmood, Cabashadoodii Mudo Dhaafkaa Ku Dhacayna Waxay U Gudbiyeen Wasiiradaa ka Socda Xukuumada Dhexe,Ee Somaliland

Dabcana Illaa Iminka Waxaan salka Loo Dhigin Mushaharka Aay Qaadanayaan Shaqaalaha ka Hawlgala Dekada Berbera, Bil walba Shaqaaluhu waxay ka Hadlayaan Mushahrka oo Aan saldhig Lahay iyo Wax Aay Ku Xisaabtamaan, waxaanay U Bixiyeen Mshahar LAADHUU, Oo Wixii Kuusoo Baxa Ayuunbaad qaadanaysaa,

Sadexdan Wasiir Oo Aay Wehelinayaan Maamulka Gobolka iyo Degmadu waxaay Kulamo Gar Gar Ah la Qaateen

1 Gancstada waxkala Soo Degta Dekada Berbera

2 Shaqaalihii Dhawaanta Lagu Eryay Da,da

4 Ururka Muruqmaalka Dekada Berbera oo cabashadoodu Taagnayd Sideedaa Bilood Ee Dp World Xukumaysay Dekada Berbera

5 Wakiiilka Gadiidka Etiopiank iyo Gudi Aay Iska Soo sareen Darwalada Gaadiidka Ethiopian Ka Ah,

Waxaan la Filayaa Markay War Bixadooda Ururiyaan In Aay talo Ugula Noqon Daanaan Madaxwaynaha Somaliland Sidii Carqladahan Adag Looga Gudbi Lahaa