Daawo-Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Adhi-cadeeye iyo Deegaanno Hoos Yimaadda

Laascaanood(GNN):-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweyn ballaadhan oo aan loo kala hadhin loogu sameeyey deegaannada degmada Adhi-caddeeye iyo deegaanno hoos yimaadda maanta.
Dadweynaha degmada Adhi-caddeeye, ayaa iyaga oo aan kala hadhin si niyad ah waddooyinka dhinaca galbeed kasoo gala magaalada Adhi-caddeeye ugu soo dhaweeyey murrashax Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, garaaddo, salaadiin, haween iyo dhallinyaro, kuwaas oo safar ujeeddadiisu tahay ku wacyigelinta bulshada ee qaadashada kaadhadhka u joogo deegaanno bariga dalka Somaliland ah.

20638055_457064084657316_1771493204062644505_n 20638420_457064231323968_3515153583011192541_n 20663631_457066294657095_8604907743024818083_n 20664859_457064467990611_1694454420854537501_n 20664903_457063367990721_7628834388633782574_n 20707985_457063467990711_3393056781737524725_n 20708379_457063524657372_6409230900632192503_n 20770334_457066561323735_4617408868284516841_n
Guddoomiyaha iyo weftigiisa, ayaa dadweynaha degmada Adhi-caddeeye kala hadlay goob fagaare ah, waxana ay ku adkeeyeen inay xil weyn iska saaraan qaadashada kaadhadhka codbixinta oo dhawaan ka bilaabmaya gobollada Sool iyo Sanaag, iyaga oo sidoo kale ka mahadceliyey soo dhaweynta milgaha leh ee ay ku qaabileen.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo xubno haldoorka bulshada deegaankaas ah, ayaa hormood u ahaa soo dhaweynta guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxana uu bulshada deegaanka ugu baaqay inay si habsami leh u qaataan kaadhadhka codbxinta.
Wasiirro ay kamid yihin wasiirka arrimaha gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) iyo wasiiru-dawlaha Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo dadweynaha deegaanka la hadlay, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa uga mahadceliyey sida ay xilka iskaga saareen wacyigelinta kaadhadhka codbixinta.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha fagaaraha ah kala hadlay dadweynah degmada Adhi-caddeeye, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey dadweynaha, waxana uu ku boorriyey inay qaadashada kaadhadhka codbixinta iska xilsaaraan.