Wiil Dhalinyaro Ah Oo Isku Daldalay Gudaha Magaalada Berbera Xalay Iyo Ciidamada Booliska Oo Baadhis Wada

Berbera(GNN):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in magaalada Berbera uu xalay isku daldalay wiil dhalinyaro ah oo dagana magaalada Berbera kana shaqayn jirey.

Wiilkan dhalinyarada ah ee la sheegay inuu xalay is daldalay ayaa waxa uu daganaa xaafadda Xudhuunka ee magaalada Berbera,isaga oo lagu magacaabi jirey Maxamed Ibraahim Daauud “Riyaale” waxaana uu ka shaqayn jirey shirkada dhismaha ee Barre Constrution Company isaga u qaabilsanaa maamulka iyo xisaabaadka shirkadda.

Ilaa hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee uu isku daldalay wiilkan dhalinyarada ah,waxaana la sheegay inuu wiilkani dhalasho ahaan kasoo jeeday gobolka Gabiley balse uu ka shaqayn jirey magaalada Berbera.

Ciidamada Booliska Saaxil ayaa la sheegay in arrinkan ay baadhis ku wadaan,iyaga oo sidoo kalena kiiskan loo xidhay baadhisna lagu wado nin la sheegay inuu maydka marxuunka ka arkay daaqada Kijo uu isku daldalay,waxaana ciidamadu ay arrinkan ku wadaa baadhis.