Xisbiga WADDANI Oo Hakiyay Guddi Hawleedkii Liiskoodu Soo Baxay Ee Murrashax Cirro Magacaabay + Sababta

War-saxafadeed uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde ayaa lagu hakiyay liiska guddiyadaas, kaas oo u dhignaa sidan.

Ku; Dhammaan Xubnaha Guddiyada. Hargaysa.
Og: Guddoomiyaha Xis WADDANI. Hargaysa.
Og: Hoggaanka Xis WADDANI. Hargaysa.
Og: Hoggaamiyaha Xis WADDANI. Hargaysa.
Og: Xoghaaha Guud Xis WADDANI Hargaysa.

Ujeedo: Hakin Liiskii Guddiyada.

Kadib markii aan la tashaday Murashaxa Xisbiga, oo xiligan ku maqan gudashada waajibaadka Xajka, markii aanu isla qaadanay in dib u eegis iyo sixitaan lagu sameeyo guddiyadii la magacaabay, waxa la go’aamiyay in liiskii guddi hawleedkii soo baxay, uu ahaa mid aan dhammays tirnayn, isla markaana qaybo kala duwani ka dhinayeen, sidaa daraadeed guddidaas waa la hakiyay, mana hawl galayso ilaa la dhammays tiraayo.

Xil. Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde……….
Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI.