Xukuumadda Somaliland Oo Dib U Celisay Gabdho Soomaali Ah Oo Sucuudiga Loo Shaqo Gaynayey Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland Oo Dib U Celisay Gabdho Soomaali Ah Oo Sucuudiga Loo Shaqo Gaynayey Hargeysa..
Xukuumadda Somaliland ayaa madaarka Hargeysa ka celisay duulimaadyo siday gabdho reer Somaliya ah oo muqaawil ahaan loogu shaqo gaynayey Sucuudi Arabia.
Masuuliyiinta Socdaalka iyo kuwa Madaarka ayaa gabi ahaanba hor istaagay in gabdhahaas laga dhoofiyo madaarka Hargeysa, iyagoo ku dooday inaanay ogolayn in madaaradda Somaliland ay marin u noqdaan gabdhahaas loo dhoofinayo Sucuudiga si ay Jaariyaddo uga noqdaan.

Sucuudiga waxa soo food saaray Jaariyaddo la’aan kadib markii ay dalkeeda ka saartay malaayiin shaqaale ah oo ay ku Eedaysay sharci darro, halka dalal kale-na ay shaqaalihii dalkaas ka shaqaysan jiray ay ku celiyeen dalalkoodii, iyagoo ku Eedeeyey Sucuudiyiinta Dhaqan xumo iyo Adoonsi.

Dhacdadii ugu foosha xumayd ayaa dhex martay gabadh Itoobiyaan ah iyo Qoys ay u shaqayn jirtay, kuwaas oo Jidh dil ay u gaysteen ay iyana kaga aargoosatay inay moofayso ilmo yar oo ay dhaleen, kaasoo ay galisay Moofo (Oven) guriga yaalay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysatay inaan gabdhahaas laga dhoofin mkarin dalkeeda, hase yeeshee waxa jira mukhalasiin Reer Somaliland ah oo hor-boodaya kuwa Carab ah oo doonaya Somaliland laftigeeda inay ka qaataan Hablo Jaariyadda ah oo ay sii kireeyaan, arrintan oo Laf-jab ku noqonayso Somaliland haddii aanay xukuumaddu talaabo ka qaadin.

Dadka Reer Somaliland waxay ahaan jireen dadkii ugu horeeyey ee u shaqo tagay Carabta Maal-qabeenka ah xilli hore oo ay duruufo kala duwan haysteen, balse muddooyinkii u danbeeyey ee ay dhaqaalaha weyn heleen waxa qar-qiyey muwaadiniin kala duwan oo meesha ka saaray shaqaalihii Somalida ahaa.

Dawladda Sucuudiga ayaa mar wal oo ay qaado talaabadan ay dadka ku mastaafurinayso waxa muwaadiniinteeda soo foodsaara shaqaale la’aan, taasoo sababta in ay dhib badan kala kulmaan adeegyaddii ay shaqaaluhu u qaban jireen.

Xigasho Waaheen