Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka War Bixiyey Safarkii Madaxweynaha, Si Weyna U Difaacay Guddida Doorashadda.

Hargeisa(GNN):-Afhayeenka madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr ayaa ka war bixiyey safarkii uu madaxweynuhu ugu maqnaa dalka imaaraadka carabta.

Afhayeen Xuseen Deyr  oo warbaahinta la hadlay markii madaxweynuhu soo dagay ayaa ka war bixiyey qaliinkii madaxweynuhu galay waxaanu yidhi “Waxa dalka dib ugu soo noqday madaxweynaha somaliland oo ka soo noqday safar uu ku joogay magaalada Dubai, madaxweynuhu waxa uu dalka ka baxay 18/08/2017, waxaanu tagay magaalada Abu Dubai halkaas oo uu ku galay qaliin fudud, waana lagu guulaystay qaliinkaas waanu caafimaad qabaa, isaga oo caafimaad qaba ayaanu ka soo dagay garoonka diyaaradaha.”

Afhayeen Xuseen Deyr ayaa sidoo kale sheegay

in madaxweynuhu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah waxaanu yidhi “Madaxweynuhu hawlihii uu qaranka u hayey ee dastuuriga ahaa ayuu halkiisii ka sii amba qaadi doonaa, xukuumadana wakhtigeedii waa gaba gabo, markaa madaxweynuhu xilkii uu umada ugu dhaartay ayuu intaas wakhtiga uga hadhay uu halkiisii ka sii wadi doonaa.”

Afhayeen Xuseen Deyr ayaa soo bandhigay hawlaha ugu mudan ee madaxweynuhu qaban doono waxaanu yidhi “Hawlaha ugu muhiimsan ee qaranka horyaala waxa ka mid ah in doorashada soo socata ay sida ugu quruxda badan ee ugu nabad galyada badan ay u qabsoonto, taasna xukuumada way ka go’an tahay, madaxweynuhuna mar hore ayuu amray oo uu  saxeexay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, waxaanu isku duba ridi doonaa hawlaha doorashada si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.”

Sidoo kale afhayeen Xuseen Deyr ayaa ka hadlay cabasho la sheegay in laga qabo guddida doorashada iyo in madaxweynuhu dhex ka noqonayo tartanka dhex yaala xisbiyada waxaanu yidhi “Madaxweynuhu inuu taageero xisbigiisa cidna marti ugama noqonayo laakiin umada somaliland dhex ayuu u yahay, wixii doorashada ka soo baxana dhex ayuu u noqonayaa, guddida doorashaduna waa kii ay kalsoonidooda siiyeen sadexda xisbi qaran haddii wax dhaliilo ah jiraan ama cabasho jirto hala gaadho wakhtigeeda laakiin anigu waxaan u arkaa inaan wakhtigan xaadirka ah wax mad madow ahi ku jirin gudida doorashada, waxaanay qabteen hawl aynu ku faani karno oo ah inay diwaan gelintii dhamaystireen, oo ay qaybiyeen kaadhadhkii codbixinta sidaas darteed in la dhaliilo maaha, dhaliilna uma qalmaan.”