Daawo Sawirada Sidii Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Wajaale Waftigii uu Hogaaminayay Murashax Ciro 

 Wafdigii Balaadhnaa ee uu hogaaminayay Musharaxa Madaxweyne ee XisbiggaMucaaradka ah ee WADDANI,Cabdiraxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Ku-Xigeenkiisa Maxamed Xaaji Cali,ayaa si si weyn looggu soo dhaweeyay Deegaanka GEED-BALAADH Iyo Magaaladda WAJAALE ee Gobolka Gabiley.

Wafdigga oo xalay u hoyday Magaaladda Gabiley oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay,ayaa saaka u jarmaaday dhinaca Deegaanka Geed-balaadh iyo Magaaladda Wajaale,halkaas oo taageerayaasha Xisbigga WADDANI ay si weyn u qaabileen,iyagga oo kusoo wareejiyay waddooyinka waaweyn ee Magaaladda WAJAALE,waxaanay markii danbe madaxda Xisbiggu taageerayaasha kala hadleen Garoon balaaadhan ku yaalla Badhtamaha Magaaladda WAJAALE.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbigga WADDANI iyo Guddoomiyaha Degmadda WAJAALE ee Xisbigga WADDANI,ayaa wafdiga u sheegay inay reer WAJAALE ka go’antahay inuu is-bedel Siyaasaddeed uu dalka ka dhaco 13-ka November,is-bedelkaasna ay hormuud ka noqdoonaan dadweynaha reer Wajaale iyo reer Geed-balaadh.
Xubno ku hadlayay magaca afka taageerayaasha Xisbigga ee kusoo dhaweeyay Wafdigga Magaalloyinkaas ayaa muujiyay cabashadda ay ka qabaan Xukuumadda Xisbigga KULMIYE,gaar ahaana Sicir-bararka,Kobcinta ku dhaqanka Qabyaaladda iyo Maamul-xumadda baahsan ee Dalka hadhaysay.

Dhinacooda madaxda Xisbigga,ayaa sheegay inay Barnaamijka Xisbigga WADDANI ku caddahay wax-ka-qabashadda kaabayaasha Nolasha ee uu ku guul-daraystay Xisbigga Muxaafadka ah ee KULMIYE.
Musharax Cabdiraxmaan-Cirro oo soo xidhay Munaasibaddaas,ayaa uga mahad-naqay dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Wajaale sida balaadhan ee ay usoo dhaweeyeen Wafdigga uu hogaaminayo,waxaana uu sheegay in haddii uu taladda waddanka ku guulaysto uu Magaaladda WAJAALE ka dhigi doono Caasimadda Ganacsigga ee Geeska Afrika.

Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ee Wajaale, Geed-balaadh iyo Arabsiyo Oo Wacdarihii Ugu Badnaa Ka Muujiyey Soo Dhaweynta iyo Taageerada Weftiga Musharax Cabdiraxmaan Ciro.
Khudbada Musharax Cabdiraxmaan Ciro uu u jeediyey Dadweynaha magaalada Wajaale ayaa waxa uu yidhi “Waxaad idiinka mahadnaqayaa iyadoo cadceedu kulushahay, sidaad ogtihiin in ilaa saaka aan qofna dhaqaaqin si aad u soo dhaweysaan xisbiga Waddani.

Taa macnaheedu waxa weeyi in magaalada Wajaale ay diyaar u tahay in isbadalka jamhuuriyada Somaliland oo insha allaahu qabsoomi doona kontan cisho ka bacdi ood qayb laxaadle ka qaadataan.
Magaalada Wajaale waxa xisbiga Waddani u qorshaysan inay noqoto caasmada ganacsiga ee Geeska Afrika, insha Allaahu waxa noo qorshaysan inay noqoto deked qalalan (dry port) oo waraabisa boqolka milyan ee aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waxa aynu ognahay dhibaatada idinka haysata ganacsiga iyo xuduudka inoo dhexeeya inaga iyo Itoobiya, waxaanu doonaynaa cilaaqaadkii inaanu wanaajino, ganacsigiina furno si ay u noqoto magaaladani magaalo lagu soo hirto oo Bariga Afrika u noqota caasimad ganacsiga.

Waxaanu maqalnay in ceelashii biyaha ee Wajaale la baloodhaystay, insha allaahu ceelashiina waanu soo celinaynaa, biyahana waanu usoo saaraynaa, markaanu dadka waraysanay waxaanu helnay in caruurtiinu dhinaca Itoobiya Iskuulada u tagto, iskuuladiina waanu soo celinaynaa, macalimiin wanaagsana waanu keenaynaa. Insha allaahu duruufo badan ee dalka haystaa way badan yihiin, Caafimaadka wax waanu ka qabanaynaa, magaaladani waxa ay noqon doontaa mustaqbalka magaalooyinka ugu mustaqbal wanaagsan Somaliland.

Reer Wajaale xisbiga Waddani hore ayay u doorteen, doorashadii golaha deegaanka ayaad doorateen afar xildhibaan ayaad usoo saarteen xildhibaan Dhegjar ayaa halkan fadhiya oo ah xildhibaankii ugu codka badnaa xisbiga Waddani.” Ayuu yidhi Murashax Cabdiraxmaan Ciro oo la hadlayey Taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalad

Exit mobile version