Daawo-Sida Loogu Soo Dhaweeyey Waftigii Uu Hogaaminayey Musharaxa Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Ku Xigeenku Degmada Wajaale.

Wajaale(GNN):– Dadweynaha ku dhaqan degmada Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa taageero u muuqaal eeg mahrajaan ku soo dhaweeyey wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal ku maraya gobollada gableed ee dalka.
Weftiga Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo isugu jira masuuliyiin sarsare oo xisbiga ah, hoggaanka garabka Haweenka xisbiga, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil iyo siyaasiyiin kale u hoyday xalay magaalada Gabiley, ayaa socdaal ku ay ku tageen magaalada Wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland iyo Itoobiya kala kulmay soo dhawayn aad u ballaadhan oo shacabka ku dhaqani aanay u kala hadhin rag iyo dumar.


Boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo si wayn ugu diyaariyey soo dhawaynta weftiga, ayaa masuuliyiinta kaga hortagay dariiqa laamida ah ee dhinaca Bari magaalada Wajaale kaga dhinaca Gabiley, halkaas oo ay ku qaabileen fardo, caleemo-qoyan iyo calanka xisbiga KULMIYE oo ay ku muujinayeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka, kadibna socod lug ah ugu soo galbiyey gugdaha magaalada oo lagu wareejiyey waddooyinkeeda ilaa fagaaraha khayriyada oo iyadana ay horeba u sii buux-dhaafiyeen kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga ahi, waxaanna halkaasi laga jeediyey khudbado ay madaxdu kula hadleen shacabka.
Maamulka degmada Wajaale ee xisbiga iyo xukuumadda, cuqaal, salaadiin iyo xubno kale oo waxgaradka deegaanka ka tirsan oo halkaasi ka hadlay, ayaa si wayn uga mahadceliyey dadweynaha reer Wajaale sida diirran ee ay u soo dhawaysay weftiga KULMIYE, waxaanay sheegeen in shacabka degmadu taageero buuxda u hayaan xisbiga iyo xukuumaddiisa, isla markaana dhammaantood diyaar u yihiin inay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbiga.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa shacabka degmada Wajaale ee sida weyn weftiga usoo dhaweeyey kula dardaarantay inay murrashaxiinta KULMIYE ku qiimeeyaan kartidooda iyo waxqabadka xukuumadda KULMIYE dalka ka hirgelisay muddadii ay talada haysay.
Wasiirradda Wasaaradaha Warshadaha iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta – Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo Mustafe Faarax Abraar iyo weliba siyaasiyiinta kala ah; Cabdicasiis Maxamed Samaale, Axmed Muumin Seed, Ambassador Axmed Xasan Cigaale iyo Abiib Xasan Filfil, ayaa iyaguna u mahadnaqay dadweynaha soo dhaweynta ay ku qaabileen weftiga oo ay ku tilmaameen mid hiil ah oo ay horeba uga filayeen, isla markaana waxay ku adkeeyeen in taageeradaasi ay si buuxda uga midho-dhaliyaan maalinta codbixinta ee doorashada.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh u jeediyey shacabka degmada Wajaale ee sida weyn u soo dhaweeyey, ayaa ku boorriyey inay muhiimad gaar ah siiyaan wadajirka iyo wax wada lahaansha guud ee Somaliland, waxaannu sharraxay qoddobada aasaasiga ah ee xisbiga KULMIYE tiir-dhexaadka u ah, kuwaas oo salka ku haya sidii horumarka dalka looga wada shaqayn lahaa, waxaannu yidhi, “Haddii aynu xisbiga KULMIYE ku bahownay Bari ilaa Galbeed waxa aynu ku hammiyeynaa oo aynu xisbiga isugu nimi inaynu dalkeena horumarino oo aynu dadkeena u fikirno oo aynu u habayno nolosha ay maanta ku jiraan mid ka wanaagsan oo aynu kor u qaadno Diinteena Islaamka ah, saddexdaas qodob baana inoo aasaas ah, waana inaynu dalkeena mustaqbalkiisa ku fikirnaa, haddii aad maanta shaqo la’dahayna ku shaqee mushahar la’aan si uu ubadkaagu dhakhtar u helo, haddii aad shaqo la’dahay ka shaqee waddada si uu ubadkaagu waddo u helo oo waxaad ka fikirtaa dhibaatada ku haysataa inaanay ubadkaaga ku dhicin, waana sida qaranku hore ugu maro.”

Exit mobile version