Daawo-Wefti uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Soo Dhaweyn Waafi ah Loogu Sameeyey Magaalada Kala-baydh.

Kalabaydh(GNN):-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa si waafi ah loogu soo dhaweeyey magaalada Kala-baydh duleedka Galbeed kaga beegan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, waxana halkaas ku qaabilay boqollaal katirsan haweenka iyo madaxda deegaankaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa.
Weftiga uu madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin xisbiga katirsan, salaadiin iyo hoggaanka garabka haweenka, ayaa waxa goob ka baxsan magaalada Kala-baydh kaga hortegay boqolaal katirsan shacabka deegaanka, kuwaas oo muujiyey inay taageero buuxda u hayaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.
Taageerayaasha reer Kala-baydh, ayaa madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa u gelbiyey goob fagaare ah oo loo qoondeeyey inay weftigu ka hadlaan, waxana halkaas hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq isugu jira ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Gabiley Md. Xamse Cadow-yuurura iyo wasiirka Wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, kuwaas oo shacabka uga mahadnaqay soo dhaweyntooda, isla markaana weftiga ay hormoodka u yihiin murrashaxiinta KULMIYE ugu bushaareeyey inay cudud taageero oo ballaadhan halkan ku haystaan.


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal kooban oo mahadnaq u badan u jeediyey shacabka reer Kala-baydh, ayaa si isku mid ah u sheegay in deegaankaasi kamid yahay meelaha caanka ku ah taageerada KULMIYE, isla markaana ay murrashaxiin ahaan si gaar ah ugu tashanayaan codkooda.

Exit mobile version