Duufaanta Irma oo dad ku dishey jasiiradaha dhaca badda Kaariibiyaanka

Ugu yaraan 7 qof ayaa duufaanta Irma ku dishey Jasiiradda Saint Martin ee u qaybsan Faransiiska iyo Holland, waxaana biyaha iyo dabayluhu qaateen 90% jasiiradaha dhaca badda kaariibiyaanka (Caribbean sea)

Jasiiradda kale ee Maraykanka hoostagta ee Puerto Rico ayaa roobab lixaad leh iyo dabaylo ay waxyeelo ka geysteen. Dad ka badan hal Milyan oo qof ayaan haysan koronto iyo biyo.

Afhayeenka Jasiiradaha dhaca Kaaribiyaanka ee Guadeloupe Mr Eric Maire, ayaa sheegaya ilaa hadda in ay diiwaan geliyeen dhimashada 7 qof, laakiin tiradu intaas ka badan karto.

Duufaanta Irma ayaa ah mid aad u xoog badan, waxaana culimada saadaasha hawadu sheegayaan in halkii saac ay jarayso masaafo dhan 295km, taas oo ah middii ugu xooga badneyd ee Jasiiradahaa badda Kaaribiyanka garaacda.

Duufaanta Irma ayaa lagu wadaa in ay maalinta Axadda ah gaarto gobolka Florida ee Koonfur Bari Maraykanka.