Hargeisa(GNN):- Xisbiga WADANI oo kulano isugu jira xidhiidh iyo dardar galinta Arrimaha Siyaasada Xisbiga ah ka dhex bilaabay Degmada Ahmed dhagax usbuucii dhamaaday ayaa waxa kamid ahaa kulan ay layeeshay Gudida Odayaasha Beesha Haashin weyne ee Arab kulankaas oo ka dhacay Guriga Odayaasha Beesha Haashin ee ku yaala Axmed Dhagax .
Kulankaas oo Daba socday kulamo hore oo gudoomiyaha Xisbiga mucaaridkaa ee WADANI uu sitoosa ugula yeeshay mar uu bookhasho ku tagay fadhiga guriga Odayaasha Beesha Haashin , ergadii Odayaasha Xisbiga Wadani ee ka qayb gashay kulankan ayaa kala kulmay dood adag oo kaga timid Odayaasha Gudida Beesha Haashin weyne qodobada Doodaasi waxay u dhigneyd sidan .
1. Inay Beesha Haashin weye ee Arab ka mid tahay aas’aasayaashii xisbul Xaakimka Kulmiye
2. Inay beeshu leedahay wakhti xaadirkan xubnaha iyo xilalka ugu culus ee Dawlada iyo Xisbul xaakimka
3. Inay beeshu si buuxda u taageersan tahay horumarka iyo guulaha uu soo hooyey dawlada iyo xisbul xaakimka Kulmiye mudadii ay hogaanka dawladnimo u hayeen wadanka .
4. Waxay Beesha Haashin weyne mawqif midaysan la wadaagtaa beelaha Arab intooda kale ee taageerada la barbar taagan xisbul xaakimka Kulmiye iyo musharaxiisa Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi
Dooda qodabadaasi waxay soo afjareen Codsigii taageero doona ka ahaa ee Eragada Odayaasha xisbiga wadani sideen .
Waxaana Kadib Markii Ay Arkeen Qodobada Ay Hordhigeen Odayaashan Beesha Haashim Ergaddii ka Socotay Xisbiga Waddani Una Cadeeyeen In Xisbiga Kulmiye Intaas oo masuul iyo Jagooyin Muhiima ka Hayaan Xisbiga Waddanina Aanu siin Karin waxay ergadaasi si waji gabax ah kala noqotay faro madhnaan doodaasi Adag ee la hor dhigan oo ay tahli kariwaayeen wax ay ku qanciyaan.