Hoggaanka KULMIYE oo Dalka kusoo Dhaweeyey Siyaasi Xisbiga Miisaan Ku Leh oo Dibadda Kasoo Laabtay

Hargeisa(GNN):-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga katirsan, hoggaanka garabka haweenka heer qaran iyo taageerayaal tiro badan, ayaa dalka kusoo dhaweeyey siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi oo katirsan xubnaha firfircoon ee xisbiga KULMIYE uga hawlgala dalka Canada.
Soo Dhaweynta siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi oo ay hoggaanka KULMIYE abaabuleen, ayaa sidoo kale waxa qayb ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, guddoomiyeyaal gobol, haween iyo dhallinyaro tiro badan, waxana ujeeddadeedu ahayd sidii loo muujin lahaa meeqaamka uu siyaasigan ku dhex leeyahay bulshada reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
Xubno kamid ah siyaasiyiinta caanka ka ah xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin siyaasi Jamaal Cali Xuseen, Rooda Axmed Yaasiin, guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo guddoomiye ku-xigeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE marwo Dalays shire Faarax oo hadallo kooban ka jeediyey soo dhaweynta siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi, ayaa sheegay inuu kamid yahay haldoorka dhalinta guusha ku xeesha dheer ee uu xisbiga KULMIYE leeyahay, waxana ay tilmaameen inuu door laxaad leh ka ciyaari doono dedaalka uu xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu guul kasoo hooyo doorashooyinka madaxtooyada ee dalka kusoo foolka leh.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda madaxtooyada Md. Cali Dhegoole iyo wasiirka wasaaradda wasaaradda caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre oo iyaguna madasha soo dhaweynta ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha uu siyaasi Ibraahin Xaaji Cabdi ku dhex leeyahay xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu xisbiga kaga jiro.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isagu hormood ka ahaa soo dhaweynta ballaadhan ee xisbigu ku qaabilay siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi, ayaa isaguna ku dheeraaday kaalinta uu siyaasigani kaga jiro xisbiga KULMIYE, waxana uu xusay inuu kamid yahay xubnaha uu xisbigu sida gaarka ah u tirsado ee ku xeesha dheer siyaabaha axsaabtu u guulaysato.
Siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay dadweynihii soo dhaweyntiisa waqtiga geliyey, waxana uu si gaar ah ugu mahadnaqay hoggaanka xisbiga KULMIYE oo isagu muhiimad gaar ah siiyey soo dhaweyntiisa, isaga oo si cad u sheegay inuu maalkiisa, muruqiisa iyo maskaxdiisaba u huri doono sidii uu xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda.

21686132_945594842245270_75749632584984247_n 21686413_945594742245280_4862180447928242845_n 21687520_945594345578653_1660267595448073997_n 21687640_945594945578593_7974028213358028470_n 21687969_945594365578651_2853148896168967143_n 21752437_945594748911946_6599687881727298568_n 21761780_945594675578620_6660659929249789438_n