Kenya:Afar Qof Oo Lagu Gowracay Lamu

Ururka Al-shabaab  ee Soomaaliya ayaa sheegtay fal lagu gowracay 4 qof  degaanka Lamu ee dalka Kenya, sida uu wakaaladaha wararku u sheegay afhayeenka urukaasi Cabdicasiis Abu- Muscab oo tirada dadka la laayay ka dhigay 5 qof.

Sarkaal sare  oo ka tirsan  maamulka degaanka Lamu oo magaciisa qariyay ayaa wargayska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi  u sheegay in weerarka kowaad uu ka dhacay saaka aroornimadii degaanka silini-Mashambani, halkaas oo saddex ka mid ah lagu dilay. Qofka soo haray ayaa lagu dilay tuulada Bobo.

Guddoomiyaha county-ga Lamu Gilbert Kitiyo ayaa xaqiijiyay dadka la gowracay , hase yeeshee wuxuu sheegay inay baarayaan in dadka ka dambeeyay weerarka ay yihiin Al-shabaab iyo inkale.

“dadka weerarka soo qaaday waxay ku labisnaayeen dharka militariga, waxayna wateen qoryaha AK-47ka, kuwa weerarka soo qaaday, waxay wateen liis ay dadka ay magacyadooda ugu yeerayaan ka hor inta ayan qoortaka jarin” ayuu yiri Mudan Kitiyo.

Dhinaca kale,  xaalada degaanka uu dilku ka dhacay ayaa kacsan, Boqolaal qof oo degaanka ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoo ka mudaharaadaya amni xumada iyo  dilalka ururka al-shabaab uu ka gaysanayo degaankooda.

Weerarkan ayaa imaanay laba toddobaad ka dib markii kooxda Al-shabaab ay 4 qof oo kale ay qoorta ka gooyeen tuulada Maleli oo ku taala galbeedka Lamu,  waxaa kaloo jira in bil ka hor, ururka Alshabaab ay  gowraceen 12 qof.

Exit mobile version