Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Dhiggiisa Dalka Itoobiya Hailemariam Desalem oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa ka wada-xaajooday sidii Ethiopia u sii deyn lahayd Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.
Wakaaladda Wararka federaalka ee Sonna oo warkan daabacday ayaa lagu sheegay in labada masuul ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, taasi oo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Warka laguma sheegin tiradda iyo goorta ay dowladda Ethiopia sii dayn doonto maxaabiista Soomaaliyeed ee weli ku jira Xabsiyadda. Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho.
Wadahadalka u dambeeyay ee dhexmaray Khayre iyo Desalem ee maxaabiista hor leh oo Soomaaliyeed lagaga sii daynayo xabsiyada Ethiopia ayaa u muuqda mid culayska lagaga khafiifinayo xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali khayre Wajigabaxa ay kala kulantay Muwaadin Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax] oo lagu wareejiyay dowlada Itoobiya toddobaadkii hore.