Safiir Ku-Xigeenka Britian ee Somalia oo Garoowe Timid Arimaha Socdaalkeeda iyo Waxa uu Daaran Yahay.

Safiir k/xigeenka safaaradda Ingiriiska (Britian)  ee Somaliya Ms Mary Shockledge  oo soo gaartay caasimadda Garoowe ayaa qasriga madaxtooyada Puntland waxaa ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixajiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey.

Kullan saacad qaatay ka dib, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka  iyo safiirku waxay qabteen shir jaraa’id, waxayna sheegeen in kullankooda ay kaga wadahadleen arrimo ay kamid ahaayeen ammaanka, nabad gelyada, doorashada Puntland, iyo arrimo kale oo muhiima.

Madaxweyne k/xigeenka wuxuu sheegay  inay si qoto dheer uga hadleen arrinta abaaraha, taas oo uu xusay in ay kala hadleen kuxigeenka safiirka Ingiriiska iyo weftiga ay hogaaminayso qodaalka ceel-biyoodyo lagaga gaashaanto abaarta iyo sidoo kale in ceelashaasi lagaga faa’idaysan doono ku dhiirashada falashada beeraha.

wuxuu  tilmaamay inay ka wada hadleen kalluumaysiga Puntland, isagoo tibaaxay  inay arrintaasi isku afgarteen wax ka qabashadeeda, isla mar’ahaantaana waxa uu cadeeyey Madaxweyne Camey in  ay dhammaan arrimaha ay ka wadda hadleen ka ahaayeen isku mawqif ama isku hadaf dhowaana ay hirgelidoonto bar-bilawgoodu.

Safiir Ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo wax ka qabashada dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay kawada hadleen Madaxweyne Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta ku wehelinayey kulanka, taasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha Amaanka, abaarta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysey ay Puntland  timaado safiir ku-xigeenka safaadda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay  Madaxweyne Ku-xigeenku inay sheegtay inay aad ugu qanacsan tahay imaanshaha ugaha dawladda Puntland.

Horseed Media