WARARKA




Safiir Ku-Xigeenka Britian ee Somalia oo Garoowe Timid Arimaha Socdaalkeeda iyo Waxa uu Daaran Yahay.

Safiir k/xigeenka safaaradda Ingiriiska (Britian) ย ee Somaliya Ms Mary Shockledge ย oo soo gaartay caasimadda Garoowe ayaa qasriga madaxtooyada Puntland waxaa ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixajiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey.

Kullan saacad qaatay ka dib, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ย iyo safiirku waxay qabteen shir jaraaโ€™id, waxayna sheegeen in kullankooda ay kaga wadahadleen arrimo ay kamid ahaayeen ammaanka, nabad gelyada, doorashada Puntland, iyo arrimo kale oo muhiima.

Madaxweyne k/xigeenka wuxuu sheegay ย inay si qoto dheer uga hadleen arrinta abaaraha, taas oo uu xusay in ay kala hadleen kuxigeenka safiirka Ingiriiska iyo weftiga ay hogaaminayso qodaalka ceel-biyoodyo lagaga gaashaanto abaarta iyo sidoo kale in ceelashaasi lagaga faaโ€™idaysan doono ku dhiirashada falashada beeraha.

wuxuu ย tilmaamay inay ka wada hadleen kalluumaysiga Puntland, isagoo tibaaxay ย inay arrintaasi isku afgarteen wax ka qabashadeeda, isla marโ€™ahaantaana waxa uu cadeeyey Madaxweyne Camey in ย ay dhammaan arrimaha ay ka wadda hadleen ka ahaayeen isku mawqif ama isku hadaf dhowaana ay hirgelidoonto bar-bilawgoodu.

Safiir Ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo wax ka qabashada dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay kawada hadleen Madaxweyne Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta ku wehelinayey kulanka, taasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha Amaanka, abaarta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysey ay Puntlandย  timaado safiir ku-xigeenka safaadda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay ย Madaxweyne Ku-xigeenku inay sheegtay inay aad ugu qanacsan tahay imaanshaha ugaha dawladda Puntland.

Horseed Media