Sicir Bararka Oo Saameyey Gaadiidka U Kala Goosha Xaafadaha Magaalada Hargeysa

Hargeisa(GNN):-Saameynta Uu Bulshada Qaybeheeda Kala Duwan Ku yeeshay Sixir Bararka ka Taagan Somaliland Ayaa Laga Dareemayaa Caasimada Hargeisa Oo Si ba’an Ay U Saameysay Gaadiidleyda Kala Duwan Ee u kala Goosha Xaafadaha iyo Degmooyinka Kala Duwan Ee Caasimada, Waxaana Arrintaasi Si Ba’an u Saameysay Gaadiidleyda Basaska iyo Bulshadii Rakaabka Ahayd ee Raaci jiray Waxaana Arrintani Salka ku Haysaa Kor u kaca Qiimihii Dollarka oo Laba Jibaarmay iyadoo gudaha magaalada hargeisa lagu kala sarifanayo qiimaha boqolka dollar marka aad ku bedelayso shilinka somaliland lacag gaadhaysa hal milyan iyo konton kun oo somaliland ah halka qiimaha halka dollar ah lagu sarifayo lacag dhan 10,500 oo lacagta shilinka somaliland ah.

Gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa dhawaan sicir baraka awgii waxay kordhiyeen qiimihii bas-raaca, oo halkii uu ka ahaa 1500 shilling Somaliland uu hadda yahay 2000 oo shilling.

Darawaliinta basaska ayaa ka cabanaya inuu aad sare ugu kacay qiimaha shidaalka.