Suldaan Dhawal Oo Sheegay In Salaadiinta Beesha Cirro Boorame U Joogaan Cod Ay Ka Raadinayaan Beelaha Samaroon Iyo Kulamadii U Dambeeyey

Hargeisa(GNN):-Salaadiin Uu Hogaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha habaryoonis oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Boorame, ayaa kulamo ay cod ugu raadinayaan Guddoomiye cirro la madaxdhameedka beelaha samaroon, iyaga oo si gaar gaar ah kulamo ula yeeshay qaybaha ay ka kooban yihiin beelaha samaroon oo ay si gooni gooni ah codad ugu waydiinayeen cabdiraxmaan cirro inay codka siiyaan wakhtiga doorashada.

Guddooamiyaha hogaanka dhaqanka gobolada galbeedka Somaliland Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayhaa ka warbixiyey kulamo ay magaaladda Boorame kula yeesheen madaxdhaqameed ka socda beesha Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee Beesha Habaryoonis Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Borme.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo si kooban ula hadlaywargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay inay madaxdhaqameedka beelaha Habaryoonis u joogaan magaaladda Boorame cod ay ka doonayaan beelaha samaroon, waxaanuu sidoo kale sheegay in salaadiintaasi ay joogayaan muddo sadex cisho ah, isla markaana ay si gaar gaar ah ula kulmi doonaan jilibyada ay ka kooban yihiin beelaha samaroon codna ay u waydiinayaan guddoomiye Cirro iyo xisbigiisa waddani.

 

Suldaan Dhawal oo arrintaasi si kooban uga hadlaya waxa uu yidhi “Salaadiintu Cod ayey doonayaan, waxaanay joogayaan muddo sadex cisho ah, waxa ay beel beel ula kulmayaan dhamaan beelaha samaroon oo dhan, waxaanay ka doonayaan codka inay siiyaan doorashada guddoomiye Cirro, markaa nimankaasi cod ayey doonayaan” ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.