War Deg-Dega-Wiil Dhalinyaro Ah oo Ku Nafwaayey Xeebta Badda Berbera iyo Saddex Kale Oo Lasoo Badbaadiyey.

War Deg-Dega-Wiil Dhalinyaro Ah oo Ku Nafwaayey Xeebta Badda Berbera iyo Saddex Kale Oo Lasoo Badbaadiyey.
Hargeisa(GNN):-Wiil Dhalinyaro ah Oo 20 Jir Ahaa yaa Maanta Barqadii Badu Liqday Kuna Dhintay,
Wiilkan Ayaa Aay wada Socdeen Sadex Kale Oo Dahlinyaro Ah Waxaanay ka Yomaadeen Magaalada Hargaysa,
Badhasaabka Gob0lka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed Ayaa Warbaahinta U Cadeeyay Gurmad Deg Dega Oo Aay Galeen In Aay Kusoo Badbaadiyeen Sadexdii Wiil Ee Lasocday Wiilka Dhintay,
Dhacdadan Masiibada Ah Ayaa Waxaa Sababay Kadib Markii Aay Iska Fuuleen Afartan Wiil Laash Bilaa Mishiin ah Oo Xeebta Iska Yaalay, Kadibna Laashkii Dabayshu Aay Kaxaysay Badwayna Gaysay, Intaasi Kadibna Wiilka Dhintay Naxay Oo Ka Booday Laashkii
Bdahasaabka Gobolka Saaxil Ayaa Intaa Wuxuu Ku Daray In Gurmad Deg Dega Oo Aay Sameeyeen Ciidamada Bada iyo Dhalinyarad Loo tabo Baray Samo,ta Bixinta Dadka Badu

Liqdo Ayaa Aay Ku Guulaystee In Badwayn Aay Kasoo Badbaadiyaan Sadexa Wiil Ee Laashku Badwaynta La Tagtay,
Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa Ugu Baaqay Dhalinyarada Imanaysa Bada Maalinta Ciida Ah In Aay ka Taxadiraan Khatarta Badu Leeedahay,
Sidoo Kale Wuxuu Waalidiinta Ugu Baaqay In Aanay
soo Dirin Caruur Aan Waalidkood La Socon
Halkan Hoose Ka Daawo-