Wasaarada Caafimaadka Oo Baaq Ka Soo Saartay Wasiir Ku Xigeenkii La Eryey Oo Gaadhi La Baxsaday.

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday hanti-dhawraha guud ee qaranka iyo sidoo kale wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo gaadiidka in lala xisaabtamo isla markaasina ay dabagal ku samayso hanti qaranku leeyahay oo ku maqan wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaraddaasi, oo ay sheegtay inuu la maqan yahay ilaa hada baabuurkii GT ah ee uu wadan jiray markii uu wasiir ku-xigeenka ahaa.

“Wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka Xassan Daahir Dhinbiil  ee la baxsaday gaadhigii dowlada ee uu watay ka hor intii aanu xilka ka qaadin Madax-weynaha Jamhuuriyada Somaliland,  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), isla-markaana, gaadhigaasi aanu ku wareejinin wasiir ku xigeenkii cusubaa ee xilka kala wareegayey wakhtigii xil-wareejinta  ee 18/June/2017.Baaqan oo uu ku saxeexan yahay madaxa Is-gaadhsiinta X-adeegyada ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Maxamed Faarax Qoti, isla markaana nuqul kamid ah soo gaadhsiiyay xarunta Wargeyska Hubaal, waxa uu u dhignaa sidan;

Gaadhigaa dowlada ee uu la baxsaday masuulkaas, ayaa ahaa gaadhi noociisu uu yahay TOYOTA Brado oo Taarikaddiisuna ahayd 1990 GT, inta uu ka furay taarikadii dowlada uu ku xidhay taarikada gawaadhida dadweynaha 67902, gaadhigaas oo aanu illaa iyo hadda kusoo  wareejinin Wasaaradda Caafimaadka.

Waxa ayaan darro ah in masuul uu ku maqan yahay gaadhi dowladeed uu warbaahinta la soo fadhiisto, ceebeyn iyo aflagaado qaawan oo uu ku weerarayo Madax-weyne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Waxa kale oo aanu ku wargalinaynaa hanti-dhowraha guud ee qaranka iyo  Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka in ay talaabada ku haboon ka qaadaan masuulkaas la baxsaday hantidii dowladu lahayd ee loogu adeegayey qaranka Jamhuuriyada Somaliland.”

Maxamed Faarax Qoti

Madaxa Is-gaadhsiinta X-Adeegyada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka