Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiid Oo Kulamo La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Turkiga.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Oo Maalmihii Udanbeeyey Socdaal Ku Joogay Waddanka Turkiga Ayaa Kulan La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Turkiga.

Kulan Waxa Kasoo Qeybgalay Dhammaan Ardeyda Reer Somaliland Ee Jaamacadaha Ka Dhigta Wadanka Turkiga, Jaaliyada Qeybaheeda Kala Duwan, Agaasimaha Idaacadaha Radio Hargeisa Hassan Mohamed Yuusuf, Iyo Martisharaf Kale.

Gudoomiyaha Ardeyda Jaamacadaha Ka Dhigata Waddanka Jarmalka Ayaa Ka Waramay Duruufaha Ardeyda Halkan Waxbarashadda Ujooga, Sidoo kale Ka Sheekeeyey Waxyaabaha Ay Qabtaan Ururkoodu, Wuxuuna Tilmaamay In Ardey Kasta Oo

Turky Wax Kabartaa Yahay Safiir Reer Somaliland. Waxaanu Wasiirka Hawlaha Guud Uga Mahadnaqey Horumarka Shakhsiyan Iyo Wasiirba Uga Hirgaliyey Dalkii.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Reer Somaliland oo Munaasabadda Oo Ka hadlay Ayaa Sheegay Inay Siweyn Usoo Dhaweynayaan Wasiir Cali Xasan Maxamed Oo Booqasho Ku Jooga Halkan, Waxaanu Bogaadiyey Horumarka Dhinaca Wadooyinka Ee Wasaaradda Uu Hormoodka Uyahay Dalka Ka Wado Isagoo Si Gaara Ugu Hanbalyeey Wadada Ceerigaabo.

Agaasimaha Idaacadaha Radio Hargeisa Xasan Maxamed Yuusuf Oo Isna Madasha Ka Hadlay Ayaa Isna Soo Dhaweeyey Wasiir Cali Xasan Maxamed Oo Uu Turkiga Uga Soo Horeeyey, Wuxuuna Bogaadiyey Ururka Ay Leeyihiin Ardeyda Reer Somaliland Ee Kabarata Turkiga.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeyta Mudane Cali Xasan Maxamed Oo Kulankan Ka Hadlay Ayaa Sharaxay Waxqabadka Dwladda, Isagoo Tilmaantay In Xukuumaddu Qabatay Barnaamijkii Ummada Usoo Bandhigtay 2010 Imikana Ay Dadweynaha Cod Ku Weydiisanayso Qorshe Cusub Oo Umadda Usoo Bandhigi Doonto,Waxaanu Ka Codsaday Jaaliyadda Inay Gacan Ka Geystan Horumarinta Dalka.

Dhinaca Kale Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Umahadceliyey Dhammaan Ardeyda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Dalka Turkiga, Waxaanu Kula Dardaarmay In Waxay Soo Bartaan Dalkooda Ugu Anfacaan. Khibradda Iyo Waxay Soo Arkaan Ee Horumarana Dalkoodi Kusoo Biiriyaan.