“Dadka Somaliland ku Nooli Waxay kala Tagayaan Wakhtiga Suurta La-afuufo..” Md. Daahir Rayaale Kaahin.

“Nabaddu haddii ay xumaato boqol kale oo dano kale leh oo aan ahayn waxa Xisbiyadu isku-haystaan ama Masuuliyiintu waxaan ahayn ayaa iman kara..”Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay haddii wanaag lagu wado joogo iyo haddii xumaan la is-gashadaba in Bulshada Reer Somaliland weligeed wada joogi doonto dalka Somaliland, isla markaana aanay ku kala tegi doonin illaa Suurta la afuufo ka hor.

DAAHIR RAYAALE KAAHIN MADAXWEYNIHII HORE EE SOMALILAND OO TALO JEEDIYEY

Waxa hadalkani ka mid yahay Khudbadihii Taariikhda galay ee Daahir Rayaale Kaahin jeediyey xilligii uu Madaxweynaha ahaa bishii Sagaalaad sannadkii 2009-kii, isla markaana qaddiyadda Xisbiyada ee muddo-kordhin-diidku meel kulul maraysay oo muddaharaadyo adag Taageerayaasha Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo UCID ka samayn jireen magaalooyinka dalka, Caasimadda Hargeysa ha ugu badnaatee. Khudbaddaas Md. Rayaale waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in Bulshadu ilaashato nabaddooda, midnimadooda iyo isku-duubnidooda, isla markaana aanay dheg u dhigin cid kasta oo wax wax duminaya ku kicisa xataa haddii uu isaga Rayaale yahay.

“Haddii si xun ama si wanaagsan aynu wada joogno halkan, Somaliland baynu wada joogaynaa. Dadka halkan Somaliland ku nooli waxay kala tagayaan wakhtiga Suurta la-afuufo. Inta kale halkan (Somaliland) bay ku wada noolaan doonaan. Waxaan Anigu door bidayaa inay wanaag ku wada joogaan, waxaan qabaa in aynu wanaagga ku tartanno ee aynaan xumaanta ku tartamin.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Md. Rayaale oo Bulshada la hadlayey dhinacyo wacanna wax ka tusay wakhtigaas, waxa uu yidhi; “Waxaan Ummadda reer Somaliland leeyahay wax badan baa innoo qabsoomay ee Qof kasta oo Reer Somaliland ahi waa inuu gaadh ka hayo, cid gaar u ilaalin karaysaa ma jirto. Shacabkeennu waa Shacab wanaagsan, balse waxaan Shacabka uga digayaa in wax kasta oo fidno abuuri kara inay ka fogaadaan oo aanay dheg u dhigin wixii isku fidnaynaya. Aniga yaan la iga dhegaysan, Nin kalena yaan laga dhegaysan. Kelmadda wada-jir, wada-noolaansho iyo midnimo ha noqoto himiladeennu.”

“Wixii taa ka duwani waxay innoo keeni karaan burbur, Khilaaf iyo waxaan dal ahayn. Maanta waxyaabo badan baa jira, Al-shabaab baa Koonfur ka soo baxday, halkeennan kama maqna, dhallinyaradeennii qaar badan baa ku maqan, War iskuma keen seeggana (Abaskuul meelna ma wada seexato, warna iskuma seeggana’:” sidaa ayuu yidhi Daahir Rayaale.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo nabadda muhiimaddeeda, dhismaha Qaran hawshiisa iyo sida lagu burburin karaba, ka hadlayey, waxa uu yidhi; “Nabaddu haddii ay xumaato boqol kale oo dano kale leh oo aan ahayn waxa Xisbiyadu isku-haystaan ama Masuuliyiintu waxaan ahayn ayaa iman kara, wax kale oo ka hoos kici kara ayaa dhallan kara, sida wax u burburaan waa wax sahalan, balse sida wax loo dhisaa waa si adag. Illaahay wuxuu yidhi; ‘ha murmina, ha is-khilaafina. Haddii kale wax kastaaba way idinka burburayaan’.”

Daahir Rayaale, waxa uu hadalladan ku dejinayey xaaladda iyo xamaasadda Shacabka dejinaya, una sheegayey inaan Xisbi iyo Koox gaar ahi dhib u geysan danohooda guud iyo wada-jirkooda. Waxaanannu Wargeys Ogaal ahaan wakhtigan u soo qaadannay Khudbaddan Daahir Rayaale, inaannu Bulshada xasuusinno dardaarankaas oo muhiim noola muuqday, marka loo eego xaaladda iyo xamaasadda xilliga doorasho ee la galay iyo weliba ololaha taageero kala jiidashada Xisbiyada Somaliland ee hadda dalka ka socota oo ay wakhtigan xilligaa hore kaga duwan tahay qaabka loo adeegsanayo ku dhaqanka Qabyaaladda oo hadda ka badan sidii markaa loo adeegsan jiray.

Xigasho Wargeyska Ogaal