Dawladda Ingiriiska Oo Si Culus Indhaha Ugu Haysa Doorashada Madaxtooyada Somaliland Iyo 60 Goob-Jooge Oo Ay Soo Dirayso

Dawladda Ingiriiska ayaa mar kale cadaysay inay maalgelisay lixdan goob-jooge caalami ah oo kormeeraya doorashada madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo doorashada ka hor dalka iman doona.

Xildhibaan Kerry McCarthy oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiirul dawlaha ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo sooranka Rory Stewart, waxay weydiisay bal in dawlada Ingiriisku Somaliland u dirayso goob-joogayaal soo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland.

Wasiir Rory Stewart, ayaa su’aashaa kaga jawaabay “Ingiriisku wuxuu lacag dhan £202,017 ku bixinayaa 60-gooobjooge caalami ah oo xoog badan oo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland ee dib u dhacday ee hadda qorshaysan 13 November. Ka dib qandaraas lagu tartamay, goob-joogayaasha kormeeraya doorashada waxa hoggaamin doonta Jaamacadda la yidhaahdo University College London.

Geesta kale xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa iyaguna la filayaa inay goob-joog ka noqdaan doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaanay arrimahani muujinayaan sida ay dawladda Ingiriisku indhaha si gaar ah ugu hayso doorashada madaxtooyada Somaliland oo loo dareeri doono 13 November 2017.

Hargeisa Somaliland

Source-Geeska africa