Deg-deg.Somalia-Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyihii Ciidanka Qaranka oo is-casiley

Wasiirkii Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo taliyihii ciidanka Gen. Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa goordhaweyd ku dhawaaqey in ay xilkii iska casileen.

Dhibaatada ay isu casileen labada masuul ayaa muddo soo jiitameysey, waxaana ay salka ku haysey khilaaf labada masuul u dhexeeyey oo muddo soo jiitamaayey kaas oo ka dhashey dayaca haysta ciidanka dowaldda federaalka, mushahar la’aanta iyo weeraro gaadmo ah oo al-Shabaab waxyeelo xoogan ku gaarsiiyeen.

Is-casilaada Wasiirka gaashaandhigga ayaa uga dhawaaqey shirkii golaha wasiiradu maanta oo Khamiis ah yeesheen, halka Taliyaha ciidanku uu muddo yar ka horeeyey.

Ciidamada Dowladda ayaa tiro aad u badan al-Shabaab ka dileen bishii u danbeysey sidoo kale waxay horey u kaxaysteen gaadiidkoodi.

Sida Horseed Media ogaatey habeenkii xalay waxaa la afduubtey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, oo al-Shabaab nolol ku kaxaysteen gobnolka Shabeelada Dhexe.

Wasiirka gaashaandhigga oo booqasho ku joogey todobaadkii hore dalka Finland ayaa si deg-deg ah loogu yeeray in uu soo galo Muqdisho, waxaana markaas taagnaa dhibaatada ay maanta isu casileen, sida Horseed ogaatey.

Golaha Wasiirada ayaa taliye kumeel gaar ah u magacaabey ciidanka xooga ee Dowaldda federaalka Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod oo ah nin aan si weyn looga dhex aqoon ciidamada Dowaldda federaalka, kana soo jeeda Koonfurta magaalada Gaalkacyo. ee maamulka galmudug ka taliyo.

Xukuumadda federaalka ayaa lagu eedeynayaa in ay dhaqaalihii ciidanka la gelin lahaa ay ku bixinayaan burburinta maamulada dalka ka jira, sida ay sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanada federaalka oo dhawaan shir saxaafadeed ku qabtey magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho.

Raysalwasaare Kheyre ayaa maalintii Isniinta sheegay in xuquuqda ka maqan shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka la helaayo ka hor dhamaadka sanadkan. Xildhibaanada federaalka ayaan helein wax mushahar ah labadii bilood ee u danbeysey.

Iyada oo Dowladda federaalka ah ay haysteen culeyso siyaasadeed oo is xigxiga oo ay ugu danbeysey shirkii Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda dhexe ay ku yeesheen Kismaayo, yaa tani ku noqoneysaa haraati kale, inkasta oo raysalwasaare Kheyre uu sheegay in uu jiiraayo cidkasta.