Degmada cusub ee Dacarta oo loogu wanqalay Munaasibad kulmisay Madaxda iyo Haldoorka Somaliland

“Degmada Dacartu waxay kamid ahayd laba degmo oo aan qalbiga ku hayey markii aanu aasaasaynay Xisbiga UCID…”Eng. Faysal Cali Waraabe

“degmooyinka dalka ee  aan maray kumaan arag degmo sidan oo kale wax u qabsatay…”Murrashax Cirro

“Degmadani waxay iskaashi iyo dan-wadaag la leedahay Deegaamada ay ka soo jeedaan Wasiir Xaglo-toosiye..”Wasiir Garas

“Degmadan  waxa aanu ka dhisi doonaa oo miisaaniyada aanu galinaynaa xaruntii maamulka degmada iyo xaruntii saldhiga Booliska…”

“Degmadan aynnu maanta u wanqalayno waa degmo fac-weyn, waa degmo meesha ku munaasib ahayd..Wasiir Maxamuud Xaashi

“Bulshada ku dhaqan Degmadani waa Bulsho Taariikh fac-weyn lahayd oo aan hubno…”Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale

Hargeysa(GNA)-Munaasibad balaadhan oo loogu wanqalay Degmada cusub ee Dacarta oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu qabtay Magaalada Dacarta, taasoo ay ka qayb-galeen madaxda Asxaabta Qaranka, xubno kamida Golaha Wasiirrada, Xildhibanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamanka, Maayirro, Madaxdhaqameedyo iyo boqolaal Dadweyne ah.

Xafladan oo ahayd mid kulmisay badi Haldoorka Somaliland, loona sameeyey Dabaal-deg agaasiman oo ay qayb ka ahaayeen Fardo lagu soo dhaweeyey Madaxda ka qayb-gashay iyo  bandhig-fanneedyo soo  jiitay indhaha marti-sharafta,  isla markaana intii ay socotay laysku dhaafsaday Kaftan iyo duur-xul dhaqan iyo mid Siyaasaddeed, waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Talo-same Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abusite oo ku hadlayey afka guddida horumarinta degmadan iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse oo kamida madaxdhaqameedka Deegaanka, kuwaasoo ku dheeraaday Taariikhda Degmadan .

Guddoomiye Xaaji Axmed iyo Suldaan Axmed-daahir, waxa kale oo ay halkaa mahad-naq uga jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa oo ay ku bogaadiyeen magacaabista Degmadan.

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Suldaan Naasir suldaan Cabdi Ismaaciil, Suldaan Maxamed Mirre Guuleed iyo madaxdhaqameedyo oo xafladaas hadallo ka jeediyey, ayaa  hambalyey Degmadan cusub, uguna duceeyey inay noqoto degmo hogaanka u qabata horumarka Gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan dalka, isagoo geesta kalena ka waramay Taariikhda soo-jireenka ah ee Beesha Degmadan degta oo ay tilmaameen inay tahay Beeshii ugu horaysay ee dhinaca Dhaqanka iyo hogaaminta Saldanadaha u horaysay Beesha Dhexe ee Somaliland.

Madaxdhaqameedyada iyo xubno ku xeel-dheer dhinaca Taariikhda oo xaflada ka hadlay , waxa kale oo ay sheegeen in Beeshaasi markii u horaysay samaysay Saldanad-dhaqameed Boqortooyo oo ahayd tii ugu horaysay ee laga sameeyey dhulka Somaliland, iyagoo halkaa ku soo bandhigay Suugaan iyo Sooyaal ka waramaya Taariikhdii Faca-weynayd ee Sandaladdii Boqor Haaruun iyo ilaa todoba Sandaladood oo kala dambeeyey.

“Bulshada ku dhaqan Degmadani waa Bulsho Taariikh fac-weyn lahayd oo aan hubno inay ka soo baxayso horumarinta Degmadan..” ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo kamid ahaa madaxdhaqameedka halkaa ka hadlay.

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey degmdan cusub, waxaanay sheegeen inay ka qayb-qaadanayaan dhismaha iyo horumarka Degmadan.

“Anigoo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Hargeysa waanu Degmada Dacarta, waxaanu balanqaadaynaa inaanu bixin doono Gaadhigii Degmada, waxa kale oo aanu ka qayb-qaadan doonaa dhismaha Wadaddeeda iyo horumarinteeda kale” ayuu yidhi Maayirka Magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Maayirka Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi, ayaa isna balanqaaday “ Bulshada ku dhaqan Degmada Dacartu waxay kamid yihiin Cashuur-bixiyeyaasha Gobolka Gabiley, sidaas darteed anigoo hadlaya afka Maamulka Degmada iyo Gobolka Gabiley, waxaanu balanqaadaynaa inaanu hiil iyo hoob-ba la garab taaganahay Degmadan” ayuu yidhi Maayir Aamin.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mustafe Axmed Ciise (Shiine) iyo Guddoomiyaha Degmada Faroweyne Faysal Maxamed Jaamac ayaa iyaguna soo dhaweeyey degmadan cusub ee ku soo korodhay Gobolka Maroodi-jeex, waxaanay balanqaadeen inay la shaqeynayaan maamulkeeda, iskana kaashan doonaan horumarinta iyo nabad-gelyada.

Guddoomiye Mustafe-shiine, ayaa sidoo kale magacaabista degmadan uga mahad-celiyey madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, isagoo tilmaamay inay noqon doonto degmo horumar iyo wax-soo-saar ku soo kordhisa Gobolka ay ka tirsan tahay.

Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo isna munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay inay Degmada Dacartu waxyaabo badan kaga duwantahay degmooyinka kale ee dalka, isla markaana isaga ay xusuus iyo xallad gaar ah ugu suntan tahay degmanimadeeddu. Wasiirku waxa kale oo uu kula taliyey bulshooyinka ku dhaqan degmadan isku-duubni iyo inay u midoobaan horumarkeeda.

Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Yuusuf Cismaan Garas, ayaa sheegay in degmadani noqotay mid isku xidhay ama Biriij ku noqotay Bulshooyinka Somaliland ee Bariga iyo Galbeedka, taasina ka markhaati kacayso faca iyo miisaanka Taariikheed ee ay leedahay. Wasiir Garas waxa kale oo uu halkaa mahad-naq uga jeediyey Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo uu ku suntay horumarka adeegyadeeda. “Degmadani waxay iskaashi iyo dan-wadaag la leedahay Deegaamada ay ka soo jeedaan Wasiir Xaglo-toosiye iyo Ragga kale ee halkan fadhiyaan. Waxa kale oo aan halkan kaga dhawaaqayaa inay Bulshada Degmadu laba Faras ku maamustay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Caafimaadka Saleeban Xaglo-toosiye. Labadaa Faras oo ay Bulshada degmadu ii wakiillatay inaan iminka ku wareejiyo Wasiirrada la siiyey” ayuu yidhi Yusuf Cismaan Garas.

Wasiirka Wasaarrada Howlaha Guud Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan), Wasiirka Wasaarada Beeraha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Biyaha, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Xildhibanno ka tirsan Goleyaasha Wakiillada, Guurtida, Golaha Deegaanka Hargeysa iyo xubno ku hadlayey afka Aqoonyahanka oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey Degmadan cusub, iyagoo xusay inay durba  ka muuqdaan xarunta degmada iyo deegaamada hoos-yimaada dar-dar iyo  horumar la taaban karo, taasoo sida ay tilmaameen tusaale u noqonaysa higsiga iyo himilada wanaagsan ee Bulshadeeda.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID, ayaa dhankooda soo dhaweeyey, dhamaantood-na caddeeyey inay tahay degmo ku munaasib ah Derejada la siiyey ee degmanimada.

““Degmada Dacartu waxay kamid ahayd laba degmo oo aan qalbiga ku hayey markii aan aasaasaynay Xisbiga UCID, markaa waxaan isleeyahay Madaxweyne Siilaanyo wuu la helay” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde, ayaa isna sheegay “Xisbiga KULMIYE  isagaa magacaabay degmadan, horumarkeeda iyo waxqabadkeedana diyaar ayuu u yahay, haddii aanu mar kale talada qabanana waxaanu balanqaadaynaa inaanu sii laba jibaari doono wixii aanu ka qabanay…” “.. anigoo Tix-raacaya Taariikhda ay leedahay ee laga sheekeeyey, anigu waxaan u bixinayaa KULMIYA” ayuu yidhi Guddoomiye Xuseen.

Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isna ku hambalyeeyey Dadweynaha Degmada horumarka iyo waxqabadka ay hir-geliyeen, isagoo dhinaca kale ugu duceeyey inay noqoto degmo buuxisa kaalinta degmanimo. “degmooyinka dalka ee  aan maray kumaan arag degmo sidan oo kale wax u qabsatay oo dhisme inta leegi ku yaallo” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo Bulshada Degmadan ka raali-geliyey inuu ka habsaamay munaasibada Wanqasha oo ay xilli dambe soo gaadheen isaga iyo Weftigiisu.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay “ Shalay markii la ii sheegay in Degmada Dacarta loo wanqalayo waxaan dib u dhigay safar aan dibada ugu bixi lahaa oo aan maanta (shalay) aan diyaarada ku qornaa, waxaan u baajiyey safarkaas mihiimada ay munaasibadan loogu wanqalay Degmada Dacartu leedahay. Waxa xaqiiq ah inay tahay degmo Fac-weyn” ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye oo hadal dheer halkaa ka jeediyey.

Gabagabadii munaasibada waxa khudbad dheer ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo si qoto dheer uga waramay mustawaha degmadan Dacarta ee dhinacyada Siyaasada iyo sooyaalka Taariikheed.

Wasiir Maxamuud ayaa isagoo ka waramaya magacaabista Degmada yidhi “  Degmadan aynnu maanta u wanqalayno waa degmo fac-weyn, waa degmo meesha ku munaasib ahayd, adeeg-yadeeda aas-aasiga ah iyo kaabayaasheeda dhaqaale ee jiray may badanayn, waayo tuulo ayey ahayd, waxa ka jiray xarun MCH iyo dugsi hoose dhaxe, waan ku bogaadinayaa wasaarada Waxbarashadu inay kordhiso dugisigii hoose dhaxe, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan madashan iyo weeyeelkan uga sidaa hambalyo uu i soo faray inaan madashan soo gaadhsiiyo, waxaan uga sidaa duco, waxaan ugu sidaa mahad-naq, deegaamadani waxay ahaayeen kuwii Axmed Siilaanyo laga taageeri jiray, Soomaalidu waxay tidhaa Libaax nin galladay iyo nin ganayba waa og yahay.”

Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay kaalinta xukuumada ee haormarinta degmadaasi waxaanu yidhi “Qorshaha qaranka Xukuumada ahaan annaga ayaa gacanta ku hayna, miisaaniyadiina annaga ayaa gacanta ku hayna oo samaynayna, anaga oo rajaynayna in xisbiga KULMIYE uu talada dalka ku soo noqdo guushana aan isa siinaynin, halkan waxa aanu ka dhisi doonaa oo miisaaniyada aanu galinaynaa xaruntii maamulka degmada iyo xaruntii saldhiga Booliska, dhawaan ayaanu dhagax dhigi doonaa, waxaanu raadinayaa qandaraasle sii dhisa oo aanu lacagta miisaaniyada ugu darno, waxa kale oo aanu halkan ka fulin doonaa oo ay Wasaarada khayraadka biyuhu qorshasay ceel ka mida tobankii ceel ay dawladda Imaaraadku ina siisay.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaal:

Dhinaca kalena, markii ay soo gabagabowday Xafladu, waxa halkaa qado-sharaf loogu sameeyey madaxda iyo marti-sharafta ka soo qayb-gashay munaasibada. Degmada cusub ee Dacarta ayaa Madaxweyne Siilaanyo magacaabay bishii August.