Dooni siday Qaxooti Muslimiinta Rohingya oo gadoontay

Dowlada Bangaladhesh ayaa maanta oo Isniin ah xaqiijisay in ugu yaraan 12 qof ku dhinteen dooni siday qaxootiga muslimiinta Rohingya ee kasoo qaxay dalkaasi Myanmar.

Doonidan ayaa la sheegay inay saarnaayeen dad gaaraya 100 qof, isla markaana ku gadoontay wabiga u dhaxeeya labadaasi wadan xili dadkaasi isku dayayeen inay galaan dalka Bangaladhesh.

Sarkiisha ciidamada xaduuda ee Bangaladhesh ayaa sheegay in xalay saacado badan ay socdeen dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi ay la degtay doonta ay saarnaayeen, waxayna xaqiijiyeen in dadka dhintay ay u badan yihiin caruur iyo haween.

Waxaa illaa iyo hada la sheegay in goobta doontaasi ku degtay laga soo badbaadiyey 13 qof, iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sii kororto.

Muslimiinta Rohingya ee wadanka Maynmar ayaa waxaa xiligan ku socda xasuuq ba’an iyo baro kicin ay ku wadaan Buudiistaha u badan dalkaasi Maynmar, shacabka Rohingya ayaa lagu tilmaamay inay xiligan yihiin kuwa ugu nugul caalamka oo uu xasuuqa ku socdo.