Golaha Xukuumadda Federaalka Somalia oo Xilalkii Ka Qaadey Taliyaashii Nabad Sugidda iyo Booliska

Muqdisho(GNN):-Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay kooxaha argagaxisadu ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudah Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta dhacdadii Musiibada Qaran ee 14kii Oktoober iyo tii shalay 28ka Oktoober oo Malayshiyaadka al-Shabaab qarax iyo weerar ka fuliyeen hotel Nasa Hablood 2 ee Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaaraya ilaa 5 qofood oo ay ku jiraan darawalkii gaariga Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isaga isa soo dhiibay oo ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyey tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirada ka codsaday in xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaadeen Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).